Maxay yihiin 13 qodob ee amniga la xiriira ee guushooda sheegatay xukuumadda Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan laba sano jirsatay ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay, ayada oo xukuumadda ra’iisul wasaare ku faantay illaa 13 qodob oo dhanka amniga ah.

Warbixintan ayaa ku dul istaagi doona qodobaddan, oo kan u horreeyay ay xukuumadda ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanadii la xoreeyay. Sida ku qoran buugga waxqabadka ay soo bandhigtay xukuumadda, waxaa kooxda laga xoreeyay labadaasiu sanno illaa 215 goobood.

Goobahan ayaa isugu jira degmooyin, deegaanno, tuulooyin iyo baro kontorool oo kooxda gacanta ugu jiray, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad-goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, sida lagu yiri waxqabadka xukuumadda.

“Labadii sano ee xukuumaddan jirtay waxa ay ciidanka qaranku fuliyeen 978 howlgal dagaal oo lagu qaaday kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale waxay ciidanka qaranku dileen in ka badan 5,000 oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la xiray 10,231 barood oo kooxda ay ku laheyd baraha internet-ka oo isugu jira Website-yo, Facebook, Telegram, Tiktok iyo Twitter (X).

“Xukuumaddu waxa ay ku guuleysatay mideynta culimada Soomaaliyeed iyo inay aragti mid ah ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay ku guuleysatay fashilinta damacii guracnaa ee ka dhanka ahaa qaranimada Soomaaliyeed ee dowladda Itoobiya ay ku kacday.

“Xukuumaddu waxa ay heshiisyo difaac oo muhiim u ah amniga qaranka la gashay dowladaha Turkiga, Masar, EU, Mareykanka, UAE, Uganda iyo Suudaan.