Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka RW ku-xigeenka 2-aad ee xukuumadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad tan iyo 2012-kii oo ah markii ay Soomaaliya qaadatay Nidaamka Federaalka, oo laga jooga 12 sanno.

Galinkii dambe ee 21 October, 2024-ka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay ku xigeenkiisa labaad, isaga oo jagadaas u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka maalinimadii Arbacada ee shalay ayaa lagu hor dhaariyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xarunta Villa Hargeysa.

Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ayaa siyaabo kala duwan waxaa ugu falceliyey Bulshada, iyaga oo badankood waydiimo dhowr ah ka keeneen shaqada uu qabanaya ku xigeenka cusub iyo mas’uuliyadaha, halka qaar kood ay ku doodeyn in ay sharci darro tahay magacaabistaan.

Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka sharciga muxuu ka qabaa?

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 97aad faraddiisa 2aad waxa uu qeexayaa Golaha Wasiirada iyo qeybaha ay ka kooban yihiin Golaha Wasiirrada.

Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada waxa uu ku qeexay, “Waa Hay’adda fulinta maamulka ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya.” Qeybaha ay ka kooban tahay Xukuumadda ayaa kala ah; Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku xigeen/ ku xigeenno, Wasiirro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiirro ku xigeenno.

Sida ku cad qodobkaan ayaa in Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu yeelanaya ku xigeen iyo ku xigeenno, balse laguma caddeen ku xigeennadaas in ay ka badan karaan laba.

Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad?

Badi bulshada ayaa iswaydiinaya awoodaha iyo shaqooyinka laga rabo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xafiiskiisu ku cusub yahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 101aad lagu sheegay shaqooyinka uu qabanaya ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ah in uu qabta Xilka Ra’iisul Wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo xilalka kale ee u igmado Ra’iisul Wasaaraha.

Dastuurka si rasmi ah uma qeexin shaqooyinka iyo Awoodaha ay kala lahaanayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeennada, aan ka ahayn in ay qabtaan shaqooyinka uu idmado Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuna fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#167, deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waayi doona xubinimadiisa Golaha Shacabka, sida ku xusan Dastuurka KMG.

Isha: Mustaqbal