Daawo: Mid ka mid ah xildhibaannadii taageeray Itoobiya oo raali-gelin bixiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kamid ah xildhibaannadii shalay taageerada u muujiyay Itoobiya ayaa maanta war cusub soo saaray, isaga oo ka laabtay mowqifkiisii hore.

Saajid oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa marka hore raalli-gellin buuxda siiyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kadib taageeradii uu u muujiyay Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in hadalkiisa si qaldan loo dhigay, isla-markaana looga faa’iideystay kicinta xaaladda taagan.

“Shacabkeyga qiimaha badan ee wanaagga iyo wixii maslaxadooda ka hadlay igu yaqaanay inaan af buuxdo ugu sheego kun jeer iga raalli ahaada haddii aad sidaas wax u garateen” ayuu yiri Xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Itoobiya ma taageerin horay uma taageerin, hadda ma taageersani, mana taageeri doono warkaas ma cad-yahay” .

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, wuxuuna farriin u diray Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso Soomaaliya

“Waxaan aaminsanahay gobanimada Soomaaliya lama taabtaan inay tahay, xuduudadeeda lama taabtaan inay tahay, Itoobiya hadda ayaan u sheegayaa haddii ay i maqleyso cidi foodeed kuma taageeraayo ee quuso” ayuu mar kale yiri Saajid.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhinaanadii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya iyo dhaqaaqeeda gobollada Baay iyo Bakool ay la kulmeen dhaleeceen xoogan iyo dhaliilo ay kala kulmeen inta badan shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka