Miyaa la gaarin xilligii lacagta badan ee xafladaha loo wareejin lahaa dhinaca…?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalada qabiilka ayaa dib usoo cusboonaaday dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Inkastoo Soomaalida ay weligeedba qabiil isku dileysay, haddana mardhexe ayay xooga hoos u dhaceen dhibaatooyinka, laakiin sanadahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku dhaqaaqeen.

Gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose iyo Bay ayaa dhamaantood sanadkaan gudahiisa waxaa ka dhacay dagaallo qabiil oo ay dad badan ku dhinteen. Qaarkood weli xal rasmi ah lagama gaarin.

Waxaa la yiraahda qabiilada Soomaalida toos uma heshiiyaan ee waan-waantooda xabada labaad ayey daahisay. Macnaheedu ma ahan in aan la xalin karin mushkiladan, laakiin weli ma isweydiisay yaa isku xil-saaray inay 100% soo afjaraan taxanahan.

Dalka waxa uu qaatay nidaam federaal ah, taas oo macnaheedu yahay in deegaan walba ka jiro maamul goboleed, waxaa kale oo jirta wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka. Dhamaantood waxay ka shaqeynayaan mashaariic afka baarkiisa ah iyo xaflado laga dhaxlo sawiro qurxoon.

Wax dhab u heshiisiin ah oo xididada loogu siibayo tixanaha dagaallada qabiilka miiska lama soo saari 24 sano ee lasoo dhaafay. Marwalba waxaa la qaata heshiis kumeel-gaar ah. Waxaa arrimahana si dowli ah ugu milmay dad xoolo doon ah oo beddelay kaaba-qabiiladii.

Waxaa aad la iskugu raacsan yahay inay colaadahan u baahan yihiin madax Soomaaliyeed oo xalkooda uu dhab ka yahay.

Afarta sano ee la doorto madaxda heer goboleed iyo kuwa heer federaal midkoodna 5% oo waqtiiga kamid ah ma galiyo soo afjarida dagaallada qabiilada. Qaarkoodna wuxuu waqtiga ka dhamaada iyaga oo aan hal maalin daaweynin boogaha keena colaadaha qabiilka.

Caksigeeda magaalada Muqdisho ee caasimada oo qy dowladda dhexe fadhiso waxaa xoolihii umadda lagu gubaa xaflado joogto ah oo laga dhaxo hadallo marmarka qaar sii kala fogeeya bulshada iyo sawirro.

Gobollada qaar argagixisada ayaa qabiilada isku dirta, si ay iyagu u noqdaan xalka loo baahan yahay ee wax kala dhihi kara labada qabiil, taas mar waxay ku muujinayaan baahida loo qabo inay sii joogaan deegaanka, marna waxay muujinayaan in aysan jirin cid aan iyaga aheyn oo ahmiyad siinaysa nabadda beelaha.

Dowladda waa inay halkan baraarug ka qaadataa. Sanadkan dagaalada qabiiladdu maadaama ay bateen madaxda Soomaaliya ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waa inay ugu yaraan 5% oo waqtigooda kamid ah galiyaan dib u heshiisiinta bulshada oo dib loo soo nooleeya dhaqankii idmanaa oo waqti iyo xoolaba la galiyaa is-cafinta iyo dib u walaaleynta umadda Soomaaliyeed, oo ay madaxda joojisa shirarka iyo xafladaha aan waxba soo kordhineynin ee lagu bur-burinayo xoolihii umadda.