Mowqifyada is-diiddan ee ONLF iyo DDS ee wadahadalka Itoobiya – Maxaa cusub?

Jigjiga (Caasimada Online) – Shirka howlaha ururinta ajendaha iyo xulashada ergooyinka meteli doona deegaanka Soomaalida ee madasha wadatashiga qaranka ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gaba-gabeeyau magaalada Jigjiga.

Shirkan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa intii uu socday qorshaha ururinta ajandaha, waxaa ka qayb-galay in ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala yimid degmooyinka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta deegaanka Soomaalida.

Ka qeyb-galayaasha ayaa waxa kamid ahaayeen 2000 qof oo matalayay bulshada iyo 1000 xubnood oo ka socday ururada bulshada rayidka ah. Waxayna ergooyinkan ayaa si rasmi ah u matali doona deegaanka Soomaalida madasha wadatashiga qaranka ee Itoobiya.

Ugu dambeyntii, ajandayaasha kala duwan ayaa la mideeyay waxaana lagu wareejiyay komishineerka guud ee komishinka wadatashiga qaranka ee Itoobiya.

Tan ayaa imaneysa xilli jabhadda xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ay ku dhawaaqday inay hakisay ka qayb-galka wada-hadalka qaran ee Itoobiya markii uu shirku furmay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay ONLF.

ONLF ayaa saluug ka muujisay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida wada-hadalka, maadaama uu si iskiis ah usoo xushay xubnaha ka qayb-galaya madasha, taas oo ay ku tilmaameen inay baalmarsan tahay heshiisyadii iyo xeerarkii horey loo dejiyay.

Tan ayey ONLF ku tilmaamtay hanaan kaligiis-talisnimo ah oo khilaafsan ujeeddada wada-hadalka qaran, kaas oo ahaa in la isku keeno dhammaan dhinacyada si wax looga qabto arrimaha dhaliyay khilaafaadka.

Muxuu dowlad deegaanka ka qabaa arrintaan?

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa ayaa meesha ka saaray saluuga ay muujisay ONLF, isagoo sheegay in wada-hadalka qaranka uu yahay mid u gaar ah Soomaalida.

Cagjar ayaa tilmaamay in uusan jirin ajande ama go’aan lagu gaarayo shir aan loo qaadin afti dadweyne, taas oo ka duwan sheegashada ururka ay sii kala furanayaan xukuumadda federaalka Itoobiya.

“Wadaxaajoodka Qaran ma jirto cid aan Soomaali ahayn oo la shir tagaya ajandayaasha Soomaalida. Majirto in tiro aan inoo qalmin la ina siiyay,” ayuu madaxweyne Cagjar ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Sida ayna u jirin calan, magac, iyo caasimad la badalayo ayayna u jirin hindisayaal halis ku ah shacabka Deegaanka Soomaalida oo lagu karkarinayo hanaanka wadaxaajoodka qaran ee socda. Wixii aan u cuntamayn shacabkana waxay haystaan fursad ay codkooda ku muujiyaan maadama afti laga qaadi doono.”

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay sii xumaanayso xaalada geeska ka jirta, taas oo ka dhalatay is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gaartay Somaliland, kaas oo xulafo horleh ka abuuray gobolka.