Mucaaradka dowladda oo ka digaya arrin xasaasi ah ka hor go’aanada shirka V/Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah isha ugu hayo shirka xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran haatan uga socda Villa Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qayb ka ah mucaraadka Muqdisho oo qoraal soo saaray ayaa marka hore ka hadlay doorka madaxweynaha iyo jiheynta dalka, wuxuuna sheegay in kaalintiisa ugu wayn ay tahay ilaalinta dastuurtka iyo isku haynta dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumada iyo baarlamaanka looga baahan yahay dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynuhu wuxuu leeyahay aragtida (vison)-ka iyo jihaynta siyaasadda guud ee dalka, kaalintiisuna waa ilaalinta dastuurka, isku haynta dalka iyo ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka umadda, halka laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda in ay aragtida u daadejiyaan waaqaca, taasoo kaga baahan dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka sida Maamullada Gobollada, Baarlamaanka, siyaasiyiinta kale ee saamaynta leh iyo xubnaha beesha caalamka, waxaase muuqata in labadii hawl uu Madaxweynaha isku darsaday” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa dalab culus soo saaray kahor go’aammada la filayo inay soo saaraan xubnaa Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna sheegay haddii ay sameynaa isbeddallo cusub lagama maarmaan ay tahay in wada-tashiga laga qayb-geliyo saamileyda siyaasadda oo dhan.

“Waxaa gar ah doodda oranaysa haddii hawshu sidii heshiiska lagu ahaa lagu wedayo noo wada, haddiise isbeddel cusub uu jiro, waa in saamilayda siyaasadeed si dheelitiran wadahadalka looga qaybgeliyaa” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Warsame.

Horay sidaan oo kale xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh ayaa uga digay in golaha uu ku dhawaaqo muddo kororsi horleh oo aan heshiis lagu ahayn.

“Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay xisbiga Sheekh Shariif.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasa Cali Cali Khayre ayaa isna ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo dib u dhigi kara dowladnimada, gaar ahaan muddo kororsi.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu yiri Mudane Xasa Cali Khayre.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si aad ah la’isugu hayaa doorashooyinka dalka ee heer dowlad goboleed iyo heer federaal ee dalka.