Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar Soomaali ah ayaa ka mid ahayd maxaabbiista ay Soomaaliya ku soo qabatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia.
1988 ayay labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid tahay in maxaabbiista dagaalka la sii daayo, la is weydaarsadana, ayaa la soo daayay gabadha Soomaalida ah.
Mumina ayaan magaceeda ku soo koobayaa.
Maxaabbista dagaalka lagu soo qabtay dhalashadoodu waxay ahayd Ethiopian. Waxaa wehliya Duuliye dagaal oo Cuba u dhashay iyo Mumina.
Dhammaantood waa la soo daayay. Marka laga reebo qaar diiday in lagu celiyo Ethiopia, intii kale oo dhan Dire Dawa ayaa la geeyay.
Mumina waa ay diidday in la geeyo Ethiopia. Waxay tiri maxaan ka doonaa Ethiopia? Anigu Ethiopian ma ihi mana rabo in la i geeyo Ethiopia.
Waxaa la weydiiyay halka ay rabto in la geeyo.
Beled Weyne, ayay ahayd jawaabteedu.
Markii la sii wareystay waxay ku adkeysatay in reerkeedu deggan yahay Beled Weyne ayna dooneyso in ay dib ugu laabato.
Ciidanka Asluubta sheekadoodu sidaas waa ay ka beddelnayd. Waxay yiraahdeen gabadha waxaa laga soo qabtay goobta dagaalka iyada oo tuute ku lebbisan bambaana sidata.
Aniga iyo Mumina
ICRC aniga ayay ii xil saartay in aan Mumina geeyo Beled Weyne.
Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay ku xirnayd ayaan ku soo booqday. Waan la sheekeystay si aan u fahmo nooca qofka aan qaadayo iyo waxa aan uga talo-geli karo. Waxaa iiga yara muuqatay qof aan hadalkeedu iswada lahayn. Qof aan cuqdad iyo xanaaq midna qabin. Laakiin aan sheekadoodu si macquul ah isugu taxnayn.
Dhinac waxaa iiga muuqata gabar miskiin ah in ay tahay. Mar waxaan arkay in su’aalaha qaar iyada oo aan ka fekerin ay markiiba jawaab deg deg ah soo tuureyso sida carruur. Marna waxaan arkay in ay u muuqato qof adadag nolol noocyo kala duwan ahna khibrad u leh.
Aniga oo meel saari la’ ayaan ka soo laabtay.
Waxaan u tegey saaxiibkeey aan ciyaal Buulo Burte isla ahayn, Xasan Faarax, oo markaa ka tirsan Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed. Waxaan ka codsaday Xasan in uu ii raaco Beled Weyne oo ila goobo Mumina qoyskeeda.
Isaga iyo Bisha Cas labaduba waa ay iga oggolaadeen soo jeedinta.
Hotel Buraaqo
Inkasta oo Mumina ay xor tahay, haddana xabsiga ayay deggan tahay.
Mumina in aan xabsiga ka soo saaro wakhti ayay qaadan kartaa – inta waraaqaha aan sito la hubinayo, Taliyaha oggolaasho laga helayo, saxiix la iga qaadayo. Markaa ma dooneyn in howshaas aan qabto isla subaxa aan safarka u baxayno.
Goor galab ah ayaan Xabsiga tegey oo aan ka soo qaaday Mumina. Inta aanay soo deyn ayay ciidanku ii digeen. Waxay yiraahdeen gabadhani waa ciidan tababbaran. Yaanay ku gaadin oo kugu dhufan meel halis ah markaana gaarigaaga iyo adigaba idiin af duubin Ethiopia ee iska ilaali, siiba marka aad tagtaan Beled Weyne oo soohdinta u dhow.
Aniga iyo nin darawal ah oo ila socday ayaa Mumina soo qaadnay. Waxaan dejiyay Hotel Buraaqo oo ku oolli jiray dabka, ka soo horjeedka Maajoor.
Hotelka waxaan la lahaa macaammil wanaagsan. Maamulaha Buraaqo, Cabdullaahi, kana mid ah ardayda Jaamacadda, ayaan u digay oo aan u sheegay khatarta la iigu sheegay gabadha. Markaa qolka uu dejinayo ayaan isla eegnay. Haddii ay wax dhacaan sida uu iila soo xiriiri lahaana waan ku ballannay.
Mar labaad ayaan fiidkii ku soo laabtay aniga oo uu ila socdo Xasan Faarax. Mumina waan la sheekeysannay. Waxaan u sheegay in aan aroorta isu raaci doonno Beled Weyne oo ay diyaar ahaato.
Markii aan ka soo tagnay, Xasan wuxuu ii xaqiijiyay shakigii aan qabay oo ah in aan sheekadeedu isku toosneyn.
Subixii xigay ayaan Mumina, Xasan faarax, Darawal ICRC ah iyo anigu aan gaari Landcruiser ah qaadannay oo aan u amba baxnay Beled Weyne.
Waxaan xusuustaa mar aan sii mareynay tuulada Graziani oo buur dhakadeed ku taal, in aan gaariga ka degnay oo aan shaah u fariisannay makhaayad xoogaa ka durugsan laamiga. Gaariga waxaan dhinac dhignay laamiga markaas ayaan makhaayadda bannaankeeda fariisannay.
Intii aan shaaha cabbeynay ayay Mumina iyada oo aan waxba noo sheegin ay si dhakhsa leh u kacday oo u dhaqaaday dhinaca baabuurka.
Saddexdeennu annaga oo aan is wareysan ayaa nin waliba ku orday baabuurka oo waan uga hor marnay. Waxaa nagu jirtay baqdin ah in ay dooneyso in ay gaariga la baxsato.
Way nala yaabtay. Gaariga xagga dambe ayay gashay oo boorsadeeda kala soo baxday shay yar oo ay markaas u baahnayd.
Bilaash-xayteyaal in aan nahay ayaan isu aragnay. Laakiin weli ma ogin waxa ay damacsanayd.
Qoyska Mumina
Beled Weyne ayaan tagnay. Mumina waxay aqootay dariiqyada magaalada. Sidii ay noo tilmaameysay ayay na geysay gurigii reerkooda. Laakiin reerkeedii ma deggana. Markii aan wareysannay dadkii guriga degganaa, waxay noo tilmaameen xaafadda ay u guureen reerkii guriga degganaan jiray. Waan tagnay. Halkaas ayaan reerkii ugu geynay. Waa qoys hooyo iyo aabbe iyo carruur ka kooban oo iska fiidsanaya.
Way aqoodeen Mumina. Waxay na weydiiyay meesha aan ka keennay?
Inta aynaan idiin warramin, xaggeed ku ogeydeen gabadha ayaan weydiinnay?
Waxay noo sheegeen in gabadha la waayay beri hore. Waxay ku dareen la iigu daray in xanuun xagga dhimirka ah qabtay.
Aniguna markaas ayaan reerka uga warramay waxay soo martay Mumina iyo xabsiga aan shalay galab ka soo saaray.
Habeenkaas waxaan aad uga walaacay oo nasiib darrada ku dhacday gabadhaas iyo dulmiga aan ku talo-galka ahayn ee lagula kacay. Waxay ahayd habeenkii u horreeyay habeenno aad u badan iyo weliba maalmahooda oo aan ka fekero cuqubada dhacday. Marnabana xusuusteyda kama go’do.
Ilaa iyo hadda ma garan, dadka sanooyin badan ay la nooleyd sida ay u garan waayeen in ay tahay qof xanuunsan.
Subixii xigay ayaan ku laabannay reerka oo aan soo hubinnay in Mumina la aqbalay iyaduna ay ku qanacsan tahay.
Dardaaran ayaan halkaa ku kala qaadannay. Isla markaasna waxaan subaxaas ka soo qaaday sawirka halkan ka muuqda.
Waxaan is iri, Mumina iyada oo daryeel u baahan ayaa daanno loo raacday oo xabsiga la dhigay.
W/Q. Yuusuf Garaad