Muqdisho: Gabar yar oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigooda + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir taas oo lagula kacay gabar yar oo si arxan darro ah loogu dilay halkaasi.

Gabadha oo 14 sano jir ahayd ayaa maydkeeda laga helay gurigooda, waxaana jirkeeda gaar ahaan madaxa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maa’ido Maxamed Axmed, waxaana sidoo kale ay ahayd arday, iyada oo xilliga la dilayay ka timid iskuulka.

Garbar la dhalatay marxuumadda ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay.

“Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in la xiray dad tuhmanayaal ah, kuwa kale lagu raad-joogo, si cadaaladda loo horkeeno.

“Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee” ayay mar kale tiri gabadha walaasheed oo la hadashay warbaahinta.

Dadka lasoo xiray waxaa kamid ah saddex qof oo kamid ah ehellada gabadha yar ee sida arxan darrada ah loogu dilay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax kasoo baxay laamaha amniga, waxaase soconayo baaris ay wadaan booliska iyo laanta dambi baarista C.I.D oo la wareegay kiiska gabadhaasi yar.