Muqdisho oo ay hagradeen hoggaankeeda – Sidee loo kala qaataa dakhligeeda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho xilliyada roobka waa magaalo ay nolosha adag tahay.

Haddii uu roob socdo wax hal saac ka badan waxaa xirma waddooyin badan, iskuulo iyo goobo ganacsi. Waa waqtiga uu cambaareynta u badan la kulmo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho.

24-kii saac ee lasoo dhaafay caasimadda Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab xooggan, waxaana ka dhashay biyo fariisimo badan, burbur iyo inay qeybo magaalada kamid ah xirmaan.

Roobabkan waxay kusoo aadeen iyada oo kumanaan ardeyda reer Muqdisho ah ay Sabtidii u fariisteen imtixaankii dugsiga sare.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la arkayay shalay iyaga oo gaadiidka dagaalka kaga gudbinaya biyaha qaar kamid ah ardeyda galeysa imtixaanka.

Marwalba oo uu roob da’o waa waqtiga ugu adag dhanka guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Caasimadda goobihii ay biyaha mari lahaayeen ama laga sameyn lahaa biyo-mareennada waxaa degay oo guryo ka dhistay dad hubeysan, maamulkuna waa ku dhici waayey inuu ka kiciyo.

Haddii maamulka uu sameyn lahaa biyo-mareenno cusubna qorshe uma hayo, haddii qorshihii la helana kharash looma hayo oo lacagta caasimadda kasoo xaroota waxaa 85% qaadata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, 15-ka soo hartayna waxay u dhaxeysa mushaarka maamulka gobolka Banaadir iyo laaluushka laga bixiyo madaxda Villa Somalia timaada, kuwaas oo inta badan kharashka yar ee loo qoondeeyay maamulka gobolka Banaadir u adeegsada sida keyd shaqsi ah oo meel u yaalla oo ay dad gaar ah iskaga xaliyaan.

Yuusuf Madaale oo hadda caasimadda xukuma, markii labaadna fursadan helay weli sooma bandhigin xalka dhibaatada caasimadda gasho xilli roobaadyada.

Dadka qaar ayaa laga yaaba inay ku doodayaan in caasimaddo badan dhibaato la kulmaan xilliyada roobabka, laakiin farqigu waa in caasimadahaasi saacado kadib ay biyuhu ka baxaan, halka Muqdisho biyo fariisino ma ahane ayna bixin laheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhacay markale inuu caasimadda u dhiibo duq magaalo oo wata qorshe lagu xalinaayo baahiyaha soo noq-noqday ee nuucan ah, ayaa markii uu xaalka sidaan noqdo haddii uu safar aadayo xitaa isaguna jidkiisi hore ma ahane jid kale adeegsada, oo xaaladdani waa saameyn safmar ah laakiin aan la rabin in xalkeeda si dhab ah loo wajaho.

Roobabkii saacadihii u dambeeyay ka da’ay waxay dhaliyeen burbur hanti. Weli dadka caasimadda waxay qabaan baahi la xiriirta biyo fariisinnida, waxayna marwalba oo xilligaan oo kale la gaaro soo xasuustaan magaca duqa magaalada, itaal yarida jirta iyo qorshe xumada sii jiitameysa.

Dad badan oo xal soo jeedinaya ayaan helin cid ka talo dhageysata, caasimadda iyo duqa magaaladuna waxay noqdaan kuwo isla duma xilliyada roobka.