Muqdisho: Waddooyin guryo laga dhex dhistay oo la furay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo xirnaa muddo dheer, waxaana si sharci darro ah guryo uga dhistay dad leh dano gaar ah, taas oo keentay inuu xirmo isku socodka deegaanka.

Maamulka degmada Kaaraan oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inuu furo waddooyin ku yaalla gudaha degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen.

Guddoomiye Faarax Cadaani Maxamed oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada  ay furi doonaan, si loo isticmaalo, wuxuuna tilmaamay in xaafadaha qaar aan la geli karin ciriiro xoogan oo ka jira aawgiis.

“Meeshaan aad u jeeddaan malaha meel dab-damiska uu galo, haddii uu guri gubto malaha meel ay Ambalaas soo gasho, haddii uu dhaawac dhaco sida aad arkeysaan waxaa la xirtay guryihii hortooda oo si sharci darro ah loo dhistay” ayuu yiri Cadaani.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qof kastaa waxaa la rabaa inay sharciga u hoggaansato ninkii waddo ku jiraa waa inuu ka baxaa horay ayaan u sheegnay kii hadda kadib dhisan doonana aan laga ogolaanin”.

Faarax Cadaani oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale digniin u diray dadka weli deggan jidadka dhexdooda, wuxuuna sheegay inay cagta marin doonaan maalmaha soo socda.

“Xaafadda waxaan rabnaa inay qurxoonaato bilicdeeda oo ay waddooyinka furmaan si loo heli karo gaadiidka gurmadka deg-degga ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Waxaa sidoo kale tallaabadan soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan oo maamulka ku boggaadiyay furista waddooyinka xiran ee degmadaasi.

Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa haatan wada qorshayaal guud oo lagu hormarinayo caasimada, laguna furayo waddooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho.