Kampala (Caasimada Online)-Dowlada Ugandha ayaa daboolka ka qaaday in Canshuur laga qaadi doono dhammaan muwaadiniinta baraha bulshada u isticmaasha faafinta Xanta iyo dacaayada.
Dowlada ayaa sheegtay in Canshuurtaasi ay noqon doonto mid maalinle ah, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.
Dowlada ayaa sheegtay in sababta canshuur qaadista ay tahay mid lagu doonaayo in looga gudbo mashquulka lagu hayo shaqsiyaadka kale, waxa ayna taa bedelkeeda soo rogtay canshuur rasmi ah.
Muwaadiniinta Ugandha ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay go’aanka ay dowlada ku iclaamisay Canshuurta, waxa ayna qabaan in go’aankaasi uu yahay mid ka dhan ah dhalinyarada.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa horaantii bishan warqad uu u diray Kasaija iyo saraakiil kale ku sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Kuma soo rogayo canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baaritaan ama tixraac ..kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan,”.
Sidoo kale, canshuurta ay soo rogtay dowlada ayaa saameyn xoogan ku yeelan doonta xitaa shacabka sida joogtada ah u isticmaala ‘’WhatsApp, Facebook iyo Twitter-ka’’.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalka Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa muujinaaya inaanu jirin dib uga laabasho canshuurta lagu go’aamiyay amarkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com