Musuqa dalka ka taagan oo xargaha goostay iyo arrin culus oo laga cabsi qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa dalka ka jira ayaa xarka goostay, taas oo sabab u tahay isku milanka siyaasadda, ganacsiga iyo qoyska, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in musuqa dalka ka taagan uu horseedi karo arrin khatar ah, oo ah in wax walba looga tanaasulo dhaqaale darteed.

Hoos ka aqriso qoraalka

Musuq-maasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoysk ayaa isku milmay. Musuqu waa seddax nooc:-

1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen.

2- Musuqa siyaasadeed: Waa mi awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale.

Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa ah, ama ay isku qabiil yihiin ama koox iyo saaxib ah.

3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo.

Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka.

Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah laga hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta iska xil saarin, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo.