Muuse Biixi oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee badda

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ku celisay inuu dhaqangali doono heshiiskii arrimaha badda ee horraantii sanadkan ay la gaareen dowladda Itoobiya.

Heshiiskaas oo ballanka uu ahaa in 30 cisho rasmi looga dhigo ayaa illaa hadda far loo qaadin kadib markii carro xooggan ka muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan deegaanada Somaliland ku maraya safarkiisi ololaha dib u doorashada ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska ay la gaareen dowladda Itoobiya, imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, wada-hadalladii iyaga iyo dowladda federaalka iyo qodobo kale.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay jirin wax bad ah oo ay siinayaan dowladda Itoobiya, balse heshiiskooda uu yahay mid ay badda kaga kireynayaan, waxaana uu dhinac iskaga riixay dadka ku eedeynaya inuu dhul ama bad Soomaaliyeed bixinayo.

Yaa kireynaya? oo ah dooda u weyn ee hadalkiisa ka dhalaneysa dhowr jeer oo hore ayuu Muuse ka jawaabay, waxaana markale sheegay in aanay Somaliland cidna fasax uga rabin arrimaha la xiriira deegaanadeeda. Wuxuuse weli Muuse is-ilowsiinaya in aan maamulkiisa la aqoonsaneyn.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu soo hadal qaaday ciidanka ka imaanaya dhinaca waddanka Masar, kuwaas oo aqbalay inay kamid noqdaan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Biixi in Masar xasillooni darro soo wado, oo ay kordhineyso dhibaatada gobolka oo ay duullaan tahay, waxaana uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu dhalleeceyay tallaabadaas.

Waxa uu intaa ku daray Muuse Biixi Cabdi in aanay jirin fursad wada-hadal ah oo u hartay dowladda federaalka ah iyo Somaliland, si kooban wuxuu u yiri “ninka Masaari iisoo watay nabad igama rabo”.

Muuse Biixi wuxuu kale u jawaabay dad uu sheegay inay heshiiska diimeeyen oo ay isaga ku eedeeyeen inuu dowlad kiristaan ah heshiis la galay.

“Sharciga Sacuudiga u ogolaaday inay heshiis la galaan Shiinaha iyo Mareykanka ee annaga noo diiday waa kitaabkee,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Si walba, Xiisaddii ka dhalatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya ayaa weli taagan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay go’doon siyaasadeed galiso Itoobiya, wallow maamulka Abiy Axmed ku adkeysanayo inuu dhaqangal noqdo is-afgaradkii ay Muuse Biixi la gaareen ama uu wax kale u gooyo.