Muuse Biixi oo jawaab ka duwan kuwii hore ka bixiyay dhaqan-galka heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay sheegay in uusan ogayn xilliga is-afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

Biixi ayaa hadalkaan sheegay xilli telefishanka Al-Carabiya uu weydiiyay goorta is-afgaradka loo beddelayo heshiis rasmi ah, xilli uu wasiirkiisa arrimaha dibadda uu sheegay in dhawaan labada dhinac ay heshiiskaasi u beddeli doonaan heshiis dhameystiran.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in labada dhinac ee horey u gaaray is-afgaradkan ay wada saxiixi doonaan heshiiska rasmiga ah, isaggo oo sheegay in uusan ogeyn xilliga ay taasi dhici doonto.

“Ma aqaano waqtiga dhabta ah ee heshiis rasmi ah loo beddelayo, laakiin labada dal waxay diyaar u yihiin inay qalinka ku duugaan heshiiska,” ayuu madaxweyne Biixi ku sheegay wareysiga uu siiyay telefishanka Al-Carabiya.

Biixi ayaa isdul taagay muhiimada uu is-afgaradkan u leeyahay labada dhinac, isaggoo sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.

“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.”

Somaliland iyo Itoobiya oo qalinka ku duugay is-afgaradka muranka dhaliyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan, ayaa illaa hadda wajahaya diidmo adag oo ka imaaneysa dhanka dowladda dhexe, oo ayadu caalamka ku dacweysay Itoobiya, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.