Muxuu heshiiska cusub ee dekadda Hobyo uga duwan yahay kuwii hore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis u dhaxeeya shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo socon doono ku dhowaad 80 sano ayaa dhismihiisu bilaaban doonaa muddo bil iyo bar kaddib.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Galmudug, Cabdullaahi Kulmiye, ayaa BBC-da u sheegay in mashruucan ay 70 boqolkiiba ganacstada maalgashatay.

“Heshiiskan waa la dhaqangeliyay maanta, waxaan u nimid waa saxiixa, howsha waxay soo socotay labo sano oo marba waddan la tagayay, ugu dambeyntii way soo gabogabowday, hadda waxaa la soo gaaray wajigii ugu dambeeyay ee lagu saxiixayay, 45 maalmood kaddib waxaa bilaabanaya dhismaha dekadda.”

Heshiiska dekadda lagu dhisayo waxa uu u dhexeeyaa shirkadda maalgashiga Hobyo iyo shiradda laga leeyahay Turkiga ee METAG.

Maxaa ku dhacay heshiisyadii hore ee dhismaha dekedda Hobyo?

Waxaa jiray heshiisyo hore oo lala galay shirkado shisheeye oo aan dhaqan gelin. Maamulka Galmudug ayaana si cad u sheegin waxa ay u dhaqangeli waayeen heshiisyadii hore.

Balse waxaa jiradhowr arrimood oo Galmudug ku tilmaantay in ay caqabad horay u ahaayeen, haatanse xal loo helay.

Ammaanka degmada hobyo iyo deeganada ku hareereysan ayuu wasiirku sheegay in uu ka mid ahaa sababaha ay u hanaqaadiwaayeen heshiiyo horay loo galay.

Waxa uu sheegay in ammaanku ka wanaagsan tahay sidii markii hore xaalku ahaa kaddib markii dowladda federalka ay qaaday weeraraadii Alshabaab goobo badan looga saaray.

“Markii hore ammaanka ayaa laga baqayay hadda waxaa jira ammaan fiican taas ayaana keentay in ganacstada iyo shisheeyaha ku dhiiradaan in ay maalgashtaan Galmudug”

“Waxaan ogahay in uu jiray dhib farsamo ama aan la helin wixii loo baahnaa oo heshiis lagu dhaqangelin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdullaahi Kulmiye.

Sida ay sheegtay Galmudug waxay ku hammi wayn yihiin in heshiiskaan maanta la saxiixay uu shaqeeyo maadaama caqabado horay u jiray ay meesha ka baxeen.

Caqabadaha sidoo kale ay filayaan in ay meesha ka baxeen ayaa ah, in dhaqaalaha lagu dhisayo dekedda markii hore la filayay in ay bixiyaan shirkado shisheeye balse haatan inta badan dhaqaalaha ay bixinayaan ganacsato Soomaaliyeed, waloow ay qayb ahaan laacagta bixin doonto shirkadda fulineysa dhismaha dekedda.

“Waa isxilqaan, ganacsato Soomaliyeed oo isutatgay oo isu keenay dhaqaalahooda oo doonaya in ay dalkooda ku dhisteen, kuwii hore dhaqaale shisheeye ayaa laysku haleynayay”

Sida Galmudug sheegtay dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekadda ayaa la hayaa inta ugu badan si howsha dhismaha u bilaabato.

“Mar hadii dhaqaalihi la ururiyay la hayo 71%, wixii lagu dhisayay, shirkadiina diyaar tahay heshiiskiina la gaaray dhibaato kale oo laga welwelaa ma jirto”

Isha: BBC