Muxuu yahay hab-dhaqanka cusub ee Cabdi Xaashi uu ka qeyliyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay yeesheen golaha ayaa aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay haatan lasoo baxeen Senatorada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka uu guddoomiyay Cabdi Xaashi oo ka koobnaa ilaa iyo saddex ajende ayaa kala ahaa, Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed 2. Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka xakamaynta kiimikooyinka beeraha iyo Akhrinta labaad ee sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo waraabka  Asad Cabdirisaaq Maxamed oo Sanatarrada Aqalka Sare faahfaahin guud ka siiyay muhiimadda Hindise sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakamaynta kiimikooyinka beeraha, isagoo dul  istaahay sida sharciyadaas ay dalka muhiim ugu yihiin iyo waxyaabaha ay meesha ka saarayaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha guddiga garsoorka iyo xuquuqul insaanka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Garwayne ayaa dhankeeda golaha u dulmartay akrinta labaad sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo ay ka soo talo geliyeen dadka Naafada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo Sanatarrada qaar ay ku biiriyeen aragti iyo talooyin kale oo dheeraad ahaa kuwaas oo dheeli tiraya sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo isna hadalka qaatay ayaa ka hadlay arrin ku aadan maqnaashaha Senatorada, wuxuuna aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay xubnaha lasoo baxeen, isaga oo sheegay in Senatorada qaar marka ay yiimaadaan ay dhuuntaan.

“Senatorada in ay dhuuntaan ayay bilaabeen 30 Senator ayaan ku joognay, haddana 11 Senator ayaa soo hartay saasna xaq maahan” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Senatorada golaha ku booriyay in ay soo xaadiraan fadhiyada guud oo ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ku dhaarteen ee gudashadooda.