Muxuu yahay heshiiska cusub ee maanta kala saxiixdeen Somalia iyo Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, kaasi oo ku aadan bilaabidda mashruuc cusub wax tar u leh caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo si gaar ay qalinka ugu duugeen dowladda hopse ee magaalada Muqdisho iyo shirkadda Ifi iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Mashruucan ayaa la sheegay in koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda, si loo helo xoog koronto tayo leh, islamarkaana qashinka looga nadiifiyo caasimadda

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyradka biyaha DFS Mudane Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb-galay heshiiska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha DFS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, ayada safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay tahay tan ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya.