Nin bililiqeystay hanti ay lahayd dowladdii Siyaad Barre oo hadda soo celiyay + Sawirro

Maxaas (Caasimada Online) – Mid kamid ah Odayaasha ku dhaqan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, isla markaana si weyn loogu bogaadiyay, kadib markii uu soo celiyay shidaal uu horay uga bililiqeystay dowladdii hore ee milatariga ee uu hoggaamiyaha ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Ninkan oo lagu magacaabo Muumin Fiidow Rooble, isla markaana 85 sanno jir ah ayaa sheegay in markii ay dhacday dowladdii hore, dalkana uu galay burburka uu ka qayb-qaatay bililiqada shidaal ay lahayd dowladda oo xilligaas u gacan galay dadka shacabka ah.

Muumin Fiidow ayaa sheegay inuu isaga uu qaatay 50 liitar oo shidaal, haddana uu go’aansaday inuu shidaalkaas dib ugu soo celiyo dowladda Soomaaliyeed.

Wareysiyo uu bixiyay ayaa waxa ku sheegay inuu dareemay inay xaaraan tahay falka uu sameeyay, kadibna uu la tashaday culimada, sidaasna uu kusoo celiyay.

Aabe Muumin Fiidow ayaa shidaalkan geeyay xarunta maamulka degmada Maxaas, waxaana kala wareegay guddoomiyaha degmadaasi oo sidoo kale u mahadceliyay.

”Aniga oo ah Muumin Fiidow oo ku nool Maxaas, waqtigii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre in la bililiqeestay shidaalkii dowladda oon loo aabo yeelin, waxaan kamid ahaa dadkii bililiqeestay shidaalkaasi, waxaa maalintaas iga soo gaaray 50 liitar, culmida markaan weediiyay waxa ay ii sheegeen in shidaalkaasi qaanta ah kaliya ku wareejin karo dowlad maadaama ay dowlad laheyd, waxaana ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Maxaas, si aan maalinta qiyaamo la iigu qabsan shidaalkaasi” ayuu yiri Muumin Fiidow.

Tallaabada uuq aaday Aabahan Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu boggaadiyay, maadaama uu gartay inuu iska soo celiyay shidaalkaas oo kamid ahaa hantidii qaranka ee la boobay.