Ninka Turkiga u sameeya diyaaradaha dagaalka muxuu ka yiri safarkiisi Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa shirkadda Baykar, Haluk Bayraktar ayaa qoraal kasoo saaray safar uu Sabtiddii booqashu ugu tegay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ninkan oo diyaaradaha dagaalka u sameeya Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya si diiran ugu soo dhoweeyay wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wuxuuna la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo aan la shaacin arrimaha gaarka ah ee Haluk iyo madaxweynaha ay ka wada-hadleen, balse Haluk ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ku shaaciyay in xiriirka labada dal uu gaaray heer cusub kadib heshiiskii difaac ee dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Haluk ayaa qoraalkiisa ku xusay in safaaradda ugu weyn ee Turkiga ay ku taallo Soomaaliya. Sidoo kalana uu Turkigu u caawiyay Soomaaliya xilli ay xaalad adag ku jirtay.

“Iyadoo dunidu ay iska indho tirtay xasaradda gaajo ee Soomaaliya sanadkii 2011, Madaxweynaheenna Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Soomaaliya wuxuuna beddelay xaaladda dalka. Maanta, waa suurtogal in la arko in maalgashiga Turkiga iyo deeqdiisa oo taalla meel walba oo Soomaaliya ah.”

Baykar oo ah shirkadda difaaca ee ugu horreysa Turkiga waxaa lagu yaqaannaa sameynta diyaaradaha adduunka laga aqoonsan yahay ee Bayraktar TB2.

Si kastaba, booqashada Haluk Bayraktar ee Muqdisho ayaa waxay dadka fallan-qeeya arrimahan ku tilmaameen inay muhiim u tahay labada dal oo dhawaan gaaray heshiis difaac, uuna xiriirkooda aad u sarreeyo.