Odayaasha beelaha Hawiye oo war culus soo saaray, una jawaabay Yuusuf Geelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Geelle (Dhagey) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka oo dhowaan raalligelin siiyay odayaasha.

Ugaas Dhagey oo kamid ahaa xildhibaano isku howlay xallinta xiisaddii ka dhalatay hadalladii kasoo baxay xildhibaannadii taageeray Itoobiya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho uga hadlay arrimo la xiriiray xiisaddaas oo si weyn u laba qaraxday.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu horay u yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maanta warsaxaafadeed soo saaray, waxayna sheegeen inay aqbaleen raalli-geinta xildhibaanka.

Sidoo kale waxay u mahadceliyeen dhammaan xildhibaannada beelaha Hawiye ee ku jira labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye waxa aqbaleen raalli-galintii Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagay) sidoo kale waxay u mahadcelinayaan dhammaan Xildhibaannada siyaasadda ku metala beesha” ayaa lagu yiri qoraalka Odayaasha.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Odayaasha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaan Ugaas Yuusuf Geelle (Ugaas Dhagay) waayo aragnimadiisa iyo xogaalnimadiisa sodon iyo dhowrkii sano ee dalkan soo maray, sidoo kale waxay ku dhiirogelinayaan dadaalkiisa odaytinimo”

Ugu dambeyn odayaasha Hawiye ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo in si wadajir ah meel looga soo wada jeesto cadowga dalka, maadaama ay taagan tahay xiisad culus.