Odayaasha Koonfur Galbeed oo ka horyimid tallaabadii maamulka Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan taageeradii Koonfur Galbeed ee ciidanka Itoobiya.

Odayaashan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday maamuka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo dibad-baxyadii ka dhacay gobolka Bakool.

Mid kamid ah odayaasha oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in marnaba aysan taageeri doonin Itoobiya, ayna yihiin dad Soomaaliyeed oo leh dal xor ah.

“Annaga Itoobiyaan ma nihin,mana noqon doono Soomaali ayaa nahay, Digil iyo Mirifle ayaa nahay” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ka hadlay kulanka.

Nabdoon kale oo isna hadalka qaatay ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inuu soo qasbay shacabkii dibad-baxay, wuxuuna sheegay in dadkaas ay waayeen daryeel dowladnimo.

“Ummaddaas wacyigelin bey wayday gacan qabad ayay wayday, dul taagnaasho ayay wayday, waana lasoo qabsay” ayuu yiri.

Kadib tallaabadii Koonfur Galbeed ee taageerada loogu muujiyay Itoobiya ayaa waxaa dalka uu galay marxalad cusub, kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi ay iyaguna dhankooda taageero u muujiyeen dowladda Itoobiya.