ONLF oo ku dhowaaqday go’aan uga sii daraya xaaladda cakiran ee ITOOBIYA

Jigjiga (Caasimada Onlne) – Ururka ONLF oo  soo saaray warsaxaafadeed xasaasi ah ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya oo haatan ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo qalalaase amni oo gudaha dalkaasi ah.

Ururka ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka qayb-gali doonin wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya, wuxuuna sababta ku sheegay in si khaldan loo maamulay wada-xaajoodkaasi.

ONLF ayaa si gaar ah ugu eedeysay xisbiga Barwaaqo ee talada haya inuu ku xadgudbay heshiiskii horay loola galay xisbiyada siyaasadda ee gudaha dalka Itoobiya, sidaasina ay ku qaadaceen ka qayb-galka wada xaajoodka heer qaran ee waddanka Itoobiya.

Ururka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in wada xaajoodkan uu noqonayo mid hal dhinac ah oo aan loo dhameyn, sidaas darteedna aan keeni karin wax rajo ah oo sidaa u weyn.

“ONLF waxaa ka go’an in si dhab ah loo wada hadlo, wada hadalkuna uu noqdo mid loo dhan yahay dhammaan Axsaabta siyaasadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa shirweynahan ka maqan siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda deegaannada Axmaarada, Oromada iyo Tigray, taas oo sii murjineyso xaaladda cakiran ee Itoobiya.

Warkan kasoo baxay ONLF ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Jigjiga ay ka socdeen kulamo looga arrinsanayo  ajandayaashii lagaga qaybgali lahaa wada xaajoodka heer qaran ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qaybgalayeen mas’uuliyiin ka socota heer faderal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga.