24.2 C
Mogadishu
Tuesday, July 29, 2025

Xasan oo u amba baxay Baladweyne

0

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiraan waxaa ka socda Qaban qabadi ugu dambeysay oo ay kusoo dhaweynayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya  iyo xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya ayaa u ambabaxay Magaalada Beladweyne oo saacadaha soo socda la filayo inuu halkaasi gaaray.

Garoonka Diyaaradaha  Ugaas Khliif waxaa ku sugan Xubno  ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan kuwaas oo diyaar garow buuxa ugu jira Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka laga sugayay inuu tago Magaalada Jowhar sida qorshuhu uu ahaa ayaa baaqday iyadoo aan si dhab ah loo ogeen ujeeda ka dambeysa Baaqashada Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliye ee magaalada Jowhar.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jadwalka shirka New Deal ee Brussels oo lasoo saaray (Cid aan DFS ahayn looma ogola inay goobta ka hadasho)

0

Brussels (Caasimada Online) –  Ururka Midowga Yurub ee fadhigiisu yahay magaalada Brussels dalka Belgium ayaa soo daabacay Jadwalka loogu talagalay inuu ku socdo furitaanka shirka weynaha looga hadlayo Mustaqalka Somalia ee New Deal, kaasoo furmaya 16-ka bishan.

Shirkan ayaa waxaa furaya sida ku qoran jadwalka H.E. Mr Herman Van Rompuy oo ah Madaxweynaha Midowga Yurub oo khudbad dheer ka jeedin doona, taasoo ka hadleyso qaabka Somalia looga caawin karo horumarka dhinacyada nabadda, dhaqaalaha, Dimoqraadiyada iyo in cagaheeda isku taagto.

Waxaana si wada jir ah u shir guddoomin doona shirka New Deal Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton, iyo Wasiiradda arrimaha dibada iyo xiriirka Caalamiga Ms. Fawzia Yusuf Adam.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka kadib isna kusoo bandhigi doona qorshaha Somalia ee New Deal, hadafka laga leeyahay shirkan iyo waxa ay ka sugayaan Midowga Yurub, iyadoo ugu danbeyntii laga soo saari doono war murtiyeed lagu taageeraayo Somalia, waxaana shir jaraa’id gabagabada shirka qaban doona Madaxweynaha Somalia iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub  Catherine Ashton.

Waxaa xusidmudan in sidoo kale ay jiraan wasiiro kale oo ka tirsan DF, oo iyana shirka ka jeedin doona khdudbado.

Dhammaan xubnaha shirka hadallada ka jeedin doono waa kuwa ka socda Dowladda federaalka ah illaaa iyo hadda sida ku cad jadwalka.

Waxaa jadwalka uu so baxay waqti Faroole uu dadaal xooggan ugu jiro in laga aqbal inuu si madax ka banaan dowladda Somalia uga qeyb galo shirka, taasi oo hadda u muuqata rajo aan wanaagsaneyn, maadaama jadwalka shirka uu soo baxay illaa wax laga beddelo maahee.

HALKAN DHAG SII SI AAD U AKHRISATO JADWALKA SHIRKA

Caasimada Online

Xafiiska Brussels 

[email protected]

QM oo ballan qaad u sameysay dalka Somalia, kadib qaraxyadii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa cambeereesay labadii weerar ee maanta lagu qaaday  meel ku dhow makhaaxida The Village ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay caawa xafiiska wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Inta la ogyahay 18-qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin illaha caafimaadka iyo booliska

Danjire Kay ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo fuleynimo ah, isagoo xusay in loo baahan yahay dedaallo looga hortago dhibaatooyinka ay argagixisada u gaysanayso Soomaaliya, gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Wuxuu tilmaamay in arrimahan oo kale ay haboon tahay inay na xusuusiso baahi weyn oo shacabka Soomaaliya ay u qabaan helidda nabad laysku hallen karo.

Mr. Kay ayaa ballan qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu u taagan yahay taageeridda dedaallada socda ee ku aadan xoojinta horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in QM ay ballan ku qaadeyso inay Somalia ka caawiso, sidii looga guuleysan lahaa kuwa dagaalka kula jira shaabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeen danjire Kay ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo asxaabta dadka ku geeriyooday qaraxa, isagoona cafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Sawirro: Socdaalkii Axmed Madobe ee Muqdisho & wixii uu ka yiri (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya,waxana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ay kam mid yihiin Wasiirka rimaha gudha iyo amnig qaranka xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka warfafinta Wasiirka garsoorka iyo Xubno kale oo ka mid ah xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu soo dhaaweeyay Garoonka Aadan Cadde airport.

Axmed Madoobe markii uu ka soo degtay Garoonka ayaa durba waxaa loo gudbiyay howlka madaxda sare lagu casuume VIP-da halkaas oo uu saxafadda kula hadlay isagoona ka warbixiyay maatinkiisa Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ujeedka uu usoo gaaray Muqdisho inay tahay inuu dowlada Soomaliya kala xaajoodo Dhameystika heshiiskii isaga iyo dowlada Soomaaliya ay kusoo kala saxiiixdeen magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia. iyo inuu ku qanciyo maamulkiisa dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda.

Halkan ka dhageyso Codka  Axmed madoobe

Halkan ka dhageyso Axmed Madoobe

C/kariin Xuseen Guuleed , wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya o isna dhankiisa warbahinta la hadlay wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinka Muqdisho ee Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in tani ay muujineyso xaalka iyo isku soo dhawaanshiyaha Maamulka Jubba iyo dowlada Soomaliya iyo in qariyay dul duleeldii muuqday markii hore isagoona u mahad celiyaya Axmed Madoobe.

Imatinka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa ka dambeeysay ka gadaal markii xal loo helay khilaaf mudo soo jiitamayay oo u dhexeeyay isaga iyo dowlada Soomaaliya, inkastoo wali ay jiran dhaliilo ay muujinyaan siyaasiyiin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa mucaradsan .

Halkaan ka dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka

Halkaan ka dhageyso Wasiirka Gaashaandhiggga

 

Daawo sawirrada

madoobe xamar 5madoobe xamar 1madoobe xamar 2madoobe xamar 3madoobe xamar 4madoobe xamar 6madoobe xamar 7madoobe xamar 8

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweynayaashii Jubaland oo Kulan ku yeeshay Xamar baaqna u diray DF

0

Muqdisho (Caasimada online) Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka dhacay kulan looga soo horjeedo Shirkii dhawaan dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe Ku dhexmaray Magaalada Adis-Ababab ee Caasimadda Ethiopia .

Kulanka oo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ugaasyo Waxgarad iyo Siyasiyiin kasoo jeeda deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Waxaana Dhamaantood ay si kulul uga warbixyeen Shirkas iyo waxyaabaha ay ku dhaliilsan yihiin Heshiiska dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Shirka waxaa goob joog aka ahaa qaar kamid ah Madaxweynayaashii Maamulkii Jubbaland ee dhawaan Kismaayo kula galay Axmed Madoobe, waxaana Cabdi Shire Warsame oo ku hadlayay Afka Barre Aadan Shire Hiiraale Wuxuu Sheegay inay si aad ah uga soo horjeedaan Maamulka hoganka uu hayo Axmed Madoobe.

Waxay shaaca ka qaadeen in dowlada Soomaaliya ay kusameysay qiyaano , isagoo sheegay in loo bahan yahay in si deg deg ay dowlada Soomaaliya ay ua laabato Go’aanka ku aadan Shacabka dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo  sid ay sheegeen ay hogaan uga dhigeen dad ay ku sheegeen inay yihiin cadowga goboladaas.

Ugaaska Beesha Sade oo dhankiisa Kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in ka beel ahaan ay dhankooda si aad ah uga soo horjeedaan isla markana dowlada Soomaaaliya ay ka dalbanayaan inay si deg deg ah uga laabato go’aankeeda ku adan Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: 12-jir Soomaali ah oo Aabihii weydiiyay su’aal quseeysa M/weynaha

Caasimada Online:   Wiil yar oo Soomaali ah ayaa aabihiis weyniidaya Su’aal cajiib ah oo ku saabsan waa maxaay sababta mar walba Madaxa looga Sawiro Madaxweynaha Somalia aaway jirkiisa intiisa kale?

Jawaabta wiilkani uu sugaya iyo dood kulul oo dhex mareysa asaga iyo aabihii waxuuna abbaha doonayaa in uu ku qanciyo in Madaxweynaha uu yahay Madaxa ugu sareeya Wadanka sidaana looga sawiray Madaxa balse jirkiisa inta kale ay Dowlada tahay.

Hada aqristoow wiilkani yar hadaladiisa waa kuwo cajiib ah oo kaa qoslin doona ee nala daawo video-ga

HALKAAN KA DAAWO:

SAWIR gacmeedka Amiin Caamir iyo Sheekadii Faroole iyo Shariif Sakiin

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa maalmahan maqleysay qeylo dhaan kasoo yeereysay beelaha dega gobollada Bay iyo Bakool ee Digil iyo Mirifle, oo ka carreysan heshiiska ay la gashay maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxaa sidoo kale iyana dhinac ka qeyinaya Puntland, inkasta oo ayad qeylada ay caado u tahay, oo horey loogu yaqiin inay mar walba mucaarad tahay.

Amiin Arts ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameysay sheeko qadka telefoonka ku dhex martay Faroole iyo Shariif Sakiin, oo labaduba ah xubno fircoon o ka tirsan kooxda qas-wadayaasha Nairobi.

Halkan hoose ka arag sawirka

6_SEP_2013

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

R/W Ethiopia oo ka hadlay khilaafka DF iyo C/raxman Faroole, xalna yaboohay

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawan dalka Itoobiya ay heshiis ku soo gaaren DF Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa hadana waxa ay dooneysa dowlada Itoobiya in ay qabatay shirkada oo ay ku dhax dhaxaadineyso maamulada ka jira Somalia.

R/wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in dowladiisa hada ay wado barnaamij ku aadan sidii ay isugu keeni lahaayeen DF Somalia iyo maamulka Puntland oo hada xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

Ka dib kulan oo Adis Ababa kula yeeshay Haile Mariam Desalegne madaxweynha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka kala dhaxeeya dowlada Somalia.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan shaacisay in xiriirka ay u jartay  DF Somalia ka dib markii ay ku eedeysay in ay wax ka badashay Destuurka dalka u yaala oo ay Puntland qeyb ka tahay.

Ugu danbeyntii Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay in Dowladiisu ay diyaar u tahay wax kasta oo lays kugu keeni karo dhinacyada isku khilaafsan arimaha siyaasada dalka Somalia.

Lama oga xiliga uu dhici doonaan shirkaan ay Itoobiya sheegtay in ay ku dhaxdhaxaadineyso DF Somalia iyo maamulka Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay uusan wanaagsaneyn xiriirkooda.

Isha: Hadaf News Network

Dhageyso: Xubnihii Puntland u matalay shirka Muqdisho oo runta sheegay

0

Muqdisho (Caasimada online) Maxamed Xaajir Aadan wuxuu ka mid yahay Ergada qeybta ka ahaa shirka geedi socondka Siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, waxaana uu sheegay in shirkan uu uga qeyb galayo Magaca Maamulka Puntland .

Arintaan ayaa waxay ka hor imaaneysa xilli kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ay maamulkaas ku go’aamiyeen in wax waliba oo shirkaas kasoo baxa aysan Puntland aqoonsaneyn .

Maxamed Xaaji, Wuxuu sheegay in Shirkan Geedi Socodka Siyaasadda Soomaaliya , waxaana uu sheegay inuu qeyb ka ahaa ragii Puntland ay usoo xil saaraya Shirkan iyo Shirklii kasii horeeyay ee Dastuurka Soomaaliya .

Wuxuu talo ahaan u soo jeediyay in la xakameeyo Maamuul Goboleedyada Sii kordhaya ee ku baahaya dalka , isagoo tusaale usoo qaatay Ximan iyo Xeeb , Galmudug, Puntland , Somaliland, Khaatumo, iyo Jubba taas oo uu sheegay inay sii horseedeyso kala qeybinta Soomaaliya .

Xaaji, ayaa sheegay si loo yareeyo Maamulkaas ayuu sheegay inuu ku baaqayo in Lixdii gobolba hal maamul in loo sameeyo , Taasi oo sida uu sheegay ka sahlanaaneyso sida  hada  wax u socdaan.

Puntland waxay si cad u sheegtay in ay kasoo horjeedo guud ahaan waxa kasoo baxay shirka Muqdisho ka socnayay Mudada Shanta maalin ah ee geedi socodka siyaasadda Soomaaliya .

Waxaana dhawaan ay shaca ka qaaday inay tahay dowlada ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale isla-markaan aysan ka qeyb galeen Shir ay soo qabanqaabisay dowlada Soomaaliya inkastoo haatan ay soobaxayaan inay jiraan ergo ka socota Puntland inay shirka Muqdisho kusoo dhamaaday ay qeyb ka ahaayeen.

Halkaan Hoose Ka dhageyso codka Maxamed Xaajir Aadan

Halkaan ka dhegyso Maxamed Xaaji Aadan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jaamac Cali Jaamac: Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF Somalia, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna

0

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasi Jaamac Cali Jaamac, oo horey u soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay go’aan dhawaan maamulka Puntland uu qaatay oo ah in ay joojiyeen wadashaqeenta ka dhexeesa iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa ka mid ahaa  mas’uuliyiin lagu casuumay shirweyne dowladda ay ku qabatay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka in Soomaaliya ay ka dhacdo afti dadweyne iyo in nidaamka fedaraalka laga hirgaliyo dalka oo dhan.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha ayuu Jaamac Cali Jaamac sheegay in uu aad uga xun yahay go’aanka Puntland qaadatay, haddana sidaas oo ay tahay in Puntland, xildhibaanno,wasiir, iyo wasiir ku xigeen ay ku lee yihiin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay marba haddii Puntland ay lee dahay waxaan xiriirka u jarnay DF Somalia waa ay in la baxdaa dadka umatalaya dowladda iyo baarlamaanka ayuu yiri.

“Haddii Puntland ay xiriirka u jartay DF, xaq uma lahan xildhibaano iyo wasiiro midna” ayuu yiri

“Anniga uma arko tallaabo fiican go’aanka ay gaartay Puntland, balse haddiiba ay lee dahay waan joojinay wadashaqeenta dowladda waa in ay kala baxdaa dadka u matalaya waayo waxaan ognahay in xildhibaanno ay ugu jiraan baarlamaanka, wasiir iyo wasiir ku xigeenana ay ku lee dahay xukuumada Soomaalia”

Siyaasi Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid aan loo dhammeen oo gaar u yahay maamulka hadda jira ee madaxweynaha uu ka yahay Puntland.

“Nin la qasbi karo ma lahan, nin hadiiddo ama hayeelo, maxaa yeelay masiirka Soomaaliya meelaha looga hadlaayo qof fasax looga qaadanaayo ma lahan ayuu yiri” Jaamac Cali Jaamac.

Si kastaba, hadalka Jaamac Cali Jaamac ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in uu qaadacay shirkii ka dhacay Muqdisho oo ay joogeen qaar ka mid ah maamulada ka jira Soomaaliya, sida Galmudug iy Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FADEEXAD: Wasiir fal aad u xun kula kacaya carruurta barakacayaasha oo laga duubay muuqaal (Daawo)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Maxmud Xasan Baasto, ayaa laga duubay video, isaga oo caruur yar yar oo ka mid ah kuwa barakacayaasha ku qasbaya inay dhex galaan biyo wasaqeysan.

Dhawaan ayaa saxafada ka howsha magaalada Gaalkcyo gaaar ahaan dhanka konfurta waxaa wasiirka uu ku amaray in ay u raacaan xeroyinka barakacaaysha Gaalkacyo si ay ugu soo qaadaan muuqaalo ku aadan habka ay u nool yihiin, inkastoo aysan la soconin weriyaasha ujeedka rasmi ah ayaa haddane Axmed Baasto ujeedkiisa waxaa uu ahaaa in uu NGOyo iyo Hay’ado kale uu wax uga cuno.

Wuxuu si ka baxsan xoryatul qowlka uu la kacayay barakacayasha caruurta ay dhaleen isagoona ku amrayay in ay galaan wasaqda si muuqaalo lagu dawarsanayo looga qaado waxaana weriyihii soo duubay muuqalka uu sheegay in uu aad ula yaabay ficilada guracan uu ku dhaqaaqayo wasiir baasto.

Hayeshee Dad Badan ayaa is weydiinaayo wax ku sababay Axmed Baasto falkaasi, balse arrinta uu ku dhaqaaqo ayaa waxa ay tahay dhacdooyinka ay la kulmaan barakacayaasha Soomaaliyeed.

Baasto ayaa mararka qaar muuqaalka aad arki doontaan waxaa uu ku amaryay caruurta in ay galaan biyaha wasaqda ah oo cuduro laga qaadi kara ama ugu hanjabaya in la xeri doono oo mararka qaar la maqlayo erayo aan ku haboneen mustaqbalka Caruurta.

Si uu u muujiyo in Caruurta barakacayasha ay ugu noolyihiin biyo wasaqaysan ayuu ku amrya isagoo filim qadahana dhahaya ka gaarsi intey gudaha ku jiraan.

Halkan ka daawo Muuqaalka

Isha: Raadraacnews

DAAWO: Cali Khaliif Galayr waxba ma reeban (Wax walba wuu kashifay)

0

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif galayr, ayaa wareysi xasaasi ah siiyey TV-ga Somali Channel.

Galayr, ayaa ka hadlay arrimo aad u muhiim ah, isaga oo taabtay dhinacyo badan. Waxa uu soo hadal qaaday mooshinno fashilmay oo isaga iyo xildhibaano kale ay geeyeen baarlamanka kuwaasi oo ka dhan ahaa xukuumadda Saacid. Waxa uu kashifay sababo la yaab leh oo mooshinkaas uu ku fashilmay.

Galayr, waxa uu caddeeyey in weli ay ku tala jiraan mooshin kale oo ay horgeeyaan Baarlamanka.

Waxa uu si cad u sheegay in golaha qas-wadayaasha Nairobi uu yahay mid jira kana soo horjeeda dowladda Somalia, waxaana uu sheegay magacyada shaqsiyaad aan horey loo ogeyn oo ka mid ah qas-wadayaasha, uuna ka mid yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxa uu soo hadal qaaday heshiiskii DF iyo maamulka Jubba, isaga oo si aan buuxin usoo dhoweeyey sheegayna inay jiraan maamullo kale oo iyagana u baahan wada xaajood.

Waxa uu ku dooday in DF Somalia lagu qasbay heshiiska, ayna jiraan qodobo aanay dadku ogeyn oo heshiiska lagu soo qaaday, kuwaasi ah kuwa la yaab leh, oo ay ka mid yihiin qaabka la isku raacinayo gobollada.

Isaga oo ka hadlayey dastuurka Somalia, waxa uu qiray inay ku jiraan qodobo is burinaya, islamarkaana dastuurku uu u baahan yahay in sidiisaba la beddelo, oo aanu ahayn mid wanaagsan.

Prof. Galayr, ayaa dhinaca kale ku weeraray DF Somalia heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid u muuqday in lagu aqoonsaday.

Wareysiga oo dheer ayaa Galayr waxa uu lagu weydiiyey su’aalo aad u kulul, kuwaasi oo kadibna keenay inuu ku xanaaqo wariyihii ka qaadayey wareysiga.

Halkan ka daawo Wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo isu diyaarinaya waa cusub

0

Maddaarka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa isku diyaarinaya marxalad kala-guur ah oo aan hakad ku jirin isaga oo maamul ahaan ku wareegi doona Favori LLC laga bilaabo 15-ka September, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin.

Favori ayaa la rajaynayaa in ay casriyayso Maddaarka Caalamiga ah ee Adan Cadde gaarsiisana heerarka caalamiga ah, sida dhismaha waddo-diyaaradeed oo cusub iyo in la bilaabo adeeg soconaya 24-ka saac maalintii, sidaa waxa sheegay Cali Maxamed Ibraahim, maamulaha maddaarka. Xilligan, maddaarku kaliya waxa uu shaqeeya maalinnimada.

Todobaadyadii dhawaa ee la soo dhaafay, shirkaddu waxa ay keentay qalabka lagama-maarmaanka u ah casriyaynta, sida wiishashka rarka iyo dajinta shixnadaha diyaaradaha, iyo dhismaha taangi lagu kaydiyo shidaalka diyaaradaha iyo waliba saldhig laga shubto shidaalka, ayuu sheegay Ibraahim.

“Heshiiska ay Favori ku maamulayso maddaarka waxa uu soconayaa 20 sano, xilligaas oo ay shirkaddu ballaarin doonto dibna u dhisi doonto maddaarka Muqdisho,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in qalab qiimihiisu gaarayo $3 milyan uu mar horaba soo gaaray maddaarka.

Favori, oo ah shirkad ay leedahay dawladda Turkiga, ayaa la xushay January si a u maamulo maddaarka caasimadda kadib markii ay xukuumadda federaalka Soomaaliya jabisay heshiis 10 sano ahaa oo ay 2010-kii la saxiixatay shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee SKA Air and Logistics, iyada oo sheegtay in SKA ayan ka soo dhalaalin hankii laga filayay.

SKA waxa ay ku guul-darraysatay in ay ka soo dhalaasho heshiiskii oo uu ka mid ahaa in maddaarka lagu casriyeeyo qalab cusub si maddaadka loo dardar-galiyo la iskuna waafajiyo adeegayda, ayuu sheegay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdishakuur Mire Aadan.

“Taasi macnaheeda maaha in SKA ayan innaba waxba qaban intii ay maamulaysay maddaarka Muqdisho,” ayuu sheegay, isaga oo shirkadda uga mahadceliay dadaalladeedii.

Iyada oo isku diyaarinaysa la wareegidda maamulka, ayay Favori waxa ay biloowday diiwaan-galinta shaqaalaha maxallia ah ee maddaarka ee xilligan ku qoran diiwaanka mushaarrada ee SKA si loo soo wareejiyo shaqooyinkooda.

Maxamed Ibraahim, oo ah shaqeele ka tirsan SKA oo ka howlgala qaybta boorsooyinka ee maddaarka, ayaa sheegay in Favori ay haddiiba diiwaan-galisay ugu yaraan 56 ah shaqaalihii hore ee SKA, iyada oo lambarkaa intaa ka badan doono marka ay shirkadda cusubi la wareegto shaqada.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu la sii shaqayn doono Favori sannadaha soo socda.

Suguddi ammaanka maddaarka

Mas’uuliyiinta Favori ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda SKA iyo kuwa xukuumadda federaalka si loo hubiyo in waajibaadka ammaanka maddaarka loola kala wareego si aan hakad lahayn, sida uu wariyay Radio Muqdisho.

Favori ayaa la filayaa in ay arrimaha ammaanka maddaarka kala shaqeeyso askarta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo bilayska Soomaaliya, sida uu sheegay Cali Salaad, oo ah 45-jir askari bilays ah oo saldhiggiisu yahay maddaarka.

“SKA waxa ay lahayd qayb ammaan oo nala shaqayn jirtay iyada oo Favori-na yeelan doonto qayb ammaan oo nala shaqaysa,” ayuu Salaad sheegay.

“Ammaanka ayaa asaasiyan waxa mas’uul ka ah bilayska iyo ciidanka ammaanka,” ayuu yiri Xuseen Cabdinuur Bataar oo ah taliye ka tirsan bilayska.

Bilaysku waxa uu sii wadi doonaa in uu la shaqeeyo dhammaan jihooyinka kale ee ka howlgasha maddaarka si loo hubiyo in uunan jirin wax hakad ammaan ah, ayuu yiri.

Dhinaca kale, Aadan Keeroow Cabdi, oo ah 36-jir ka shaqeeya xafiiska Hay’adda Qaxootiga Maraykanka ee Muqdisho, ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay rajada ah in adeegga maddaarku shaqeeyo 24 saac.

Waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dib u soo kabashada Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonta qaar ka mida caqabadaha ay la kulmaan dadka u soo dhoofa Soomaaliya, ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in adeegyadii xaddiidnaa ee maddaarku ay si khaas ah caqabad ugu ahaayeen rakaab badan oo u safra howlahooda shaqo.

Isha: Sabahi Online

Daawo Video: Gabar Soomaaliyeed oo lugteeda ku weysay qaraxii Masar

0

Caasimada Online:   Labo Haween Soomaaliyeed ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxii shalay lagu weeraray Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Masar Mohammed Ibrahim, kaasoo ka dhacay xaafadda Madiinati Nasri. waxaana dhaawaca labadan Haween mid ka mid ah ay ku weysay lugteeda halka haweeneyda kale dhaawac fudud uu kasoo gaaray.

Gabadhan Soomaaliyeed oo da´deeda lagu sheegay 16 sano jir ayaa lugteeda ku weysay qaraxii shalay oo lagu magacaabo Deeqa Xasan ayaa waxay ka tagtay dalka Ingiriiska halkaasi oo ay booqaneysay Waalidkeed.

Deeqa oo ku jirta isbitaal ku yaal magaalada Qaahir ayaa ugu warbixisay warbaahinta dalka Masar qaabka uu qaraxu u dhacay, iyadoo sheegtay ineysan wax faah faahin dheeri ah ka bixin karin balse ay aragtay dhalinyaro Masaari ah oo goobta ku sugnaa, 10 daqiiqo kadibna ay mashaqada dhacday.

Subaxnimadii shalay ayuu qaraxan uu ka badbaaday Wasiirka arrimaha gudaha Masar Mohammed Ibrahim xili uu kasoo baxay gurigiisa oo ku yaal xaafada Madiinati Nasri.

 HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

Ra’isul Wasaare Saacid oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geele

0

DJabuuti (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirddoon “Saacid” oo maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Dalka Djibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha Djibouti ugu jiro daganaanshaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti waxaa kulankoodan ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska. iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaqiijinta rajjada muuqata ee Soomaaliya.“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sida ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib-U-dhiska oo aan halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka Djibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane waxaa ay uga wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka.

Caasimada online
Xafiiska Djabuuti