Puntland oo go’aanno culus ka soo saartay arrin si weyn u sii kordheysa

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaciyay go’aanno cusub oo la xiriira xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah oo si weyn ugu soo batay deegaanada maamulkaas.

Bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo ay yeesheen saraakiisha socdaalka iyo hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu xusay in kororka tahriibka uu khatar weyn ku hayo dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo keentay in loo baahdo tallaabo deg-deg ah.

Go’aannada la ansixiyey waxay farayaan in dhammaan hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga hortagaan tahriibka, lana qaado tallaabo sharci ah oo adag oo lagula xisaabtamayo tahriibayaasha iyo kooxaha abaabulka tahriibka.

Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada ayaa lagu amray inay si taxadar leh u hubiyaan dokumentiyada rakaabka ka safraya garoomada Puntland.

Puntland waxay si cad u sheegtay in qof kasta oo lagu qabto garoomada isagoo ku lug leh tahriib, ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, uu wajahayo ciqaab adag oo waafaqsan xeerarka dalka.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa lagu sheegay inuu noqday goobta ugu badan ee laga tahriibiyo dhalinyarada Puntland, halka dhalinyaro badan oo halkaas ka baxay la waayay meelaha u dhaxeeya Aljeeriya iyo Spain — marin tahriib oo cusub oo sanadihii dambe si xowli ah u kobcay.

Shirka amniga ee lagu qabtay Puntland ayaa lagu go’aamiyay qodobadan muhiimka ah:

  1. In si buuxda looga hortago dhammaan falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada.
  2. In la joojiyo tahriibka sii kordhaya ee halista weyn ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed.
  3. In dhammaan hay’adaha dawladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka.
  4. In si adag sharciga loo marsiiyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibka abaabula.
  5. In shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo saxnaanta dokumentiyada rakaabka.