Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee haatan ka socda gudaha magaalada Muqisho, kaas oo uu ka maqan yahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriri oo la hadlay Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid shirka shalay ka furmay Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir.
“Qol mugdi ah ayay ku wada jiraan shanta maamul goboleed iyo Villa Soomaaliya, mana ah meel lagu wada-hadali karo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.
Dirir ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid uu wato madaxweyne Xasan, isla markaana laga soo saari doono qodobo uu isaga soo qortay, sida uu hadalka u dhigay.
“Madasha wax waa tari waysay go’aamada kasoo baxayaa waa wax Xasan uu horay usii qortay, mana loo baahno hadeer Madasha” ayuu mar kale yiri wasiirku.
Sidoo lale wuxuuu dhaliilay xubnaha ka qayn-galaya madasha wadatashiga qaran, isaga oo tilmaamay in aanay xallin karin khilaafaadka taagan, sida arrinta Koonfur Galbeed iyo midda Puntand.
“Arrin Soomaaliyeed ma xallin karaan, tan Baydhabaa aanay xallin karin, tan Puntland iyo Villa Soomaaliya ayeysan xallin karin” ayuu sii raaciyay.
Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan.
Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada.
Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne.
Si kastaba, lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi.