Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii uu Wasiirka Batroolka DF u jeediyey Deni

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas ay diideen in deegaanadaas laga sameeyo baaritaan shidaal, si lamid ah qeybaha kale ee dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal.

“Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay, kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhin iska dhahaan, hadhowna raali galin ayey ka bixiyaan” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka.

“Dowlad-dhiska dalka waxyaabo badan ayaa laga wada hadlyey, waxaana ka mid ah khayraadka, mana jirto in si gaara wasiirka iyo madaxweynuhu ugu wada hadleen arrimo gaar ah oo quseeya shidaal Soomaaliya laga qodoyo iyo cida qodaysa,” ayuu yiri.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa ku adkeystay in Madaxweynaha Putnland iyo wasiir ka mid ah wasiirada dowladda federaalka aysan weli ka wadahadlin arrimo ku saabsan bartoorlka iyo shidaal ama wax kheyraad qeybsi ah.

Wasiiru dowlaha ayaa la weydiiyey in Puntland ay shirkado shisheeye kala hadashay shidaal baaris, maadaama dowladda dhexe ay Saciid Deni ku eedeysay in shirkad uu heshiis la soo galay, balse laga hor istaagay.

“Maya, ma jirto heshiisyo daaha dabadiisa oo cidnaba lagala hadlay, haba yaraatee arrin ku saabsan shidaal qodista iyo baaris, Puntland waxay doonaysaa in si dhab ah looga wada heshiiyo qaybsiga khayraadka dalka, iyadoo lagu saleeyo wadar ogol,” ayuu yiri wasiirkaan u hadlay Puntland.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shalay barlamaanka maamulkaas ka hor jeediyey khudbad uu ku dhaliilay DF, isagoo ku heystay qariirad qaldan oo lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu diiday in deegaanada maamulkaas laga sameeyo wax ku saabsan sahmin shidaal, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay Deni ka hor istaagtay qorshe uu ka damacsanaa shidaalka deegaanada uu xukumo.

“Deni wuxuu dowladda dhexe ka hor istaagay masuuliyadii ay lahayd ee oo ay ka mid tahay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland, anaga dowladda ayaan nahay masuuliyad ayaa na saaran, waxaan ka shaqaynaa ganacsi ay wada leedahay  umadda Soomaaliyeed oo dadka si siman wax loogu qabanayo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya

Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa dhacday inuu la yimid shirkad uu yiri shirkadaanaa ii samaynaysa sahmin shidaal, waliba anigaa saxiixa wax ku yeelanaya, anaguna waa ka diidnay, xitaa masuuliyiinta shirkadu way ogaayeen in dowladda dhexe ay masuuliyaddaas leedahay.”