Puntland oo soo qabatay ninka loo haysto dilka macalin reer Boorama

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dilka macalin reer Boorama.

Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen sameeyeen degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kuso dhigey eedaysane dil ka gaystay deegaanka Seemade degmada Jariiban ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska booliska gobolka Mudug

Eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu Jimcihii 26-ka July dil u geystay marxuum Macallin Xamae Muuse Ducaale, oo kasoo jeeda gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama, sida ku cad qoraalka taliska booliska gobolka.

“Eedaysanahan oo lagu magacaabo Axmed maxamud maxamed ayaa Maalinkii Jumcaha ee 26 July. Dil ugaystay Allaha unaxariistee Marxuum Macalin Xamse muse Ducale,” ayaa markale lagu yiri qoraalk kasoo baxay booliska.

Waxa uu intaas kusii daray “Eedaysanaha ayaa hada ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana lageeyay Xabsiga dhexe ee magalada Galkacyo.”

Taliska ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyay ehelka eedaysaha iyo odayaasha deegaanka oo door muhiima kulahaa soo qabashada eedaysanaha kuna gacan siiyay ciiddanka booliska.