PUNTLAND oo taageertay go’aan kasoo baxay DF – Maxaa is-beddalay?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si weyn u taageeray, isla-markaana dhaqangeliyay go’aan kasoo baxay dowladda federaalka oo horay loogu mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsida Bacaha halka la isticmaalo.

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa maanta ku dhowaaqday in deegaanada maamulkaas laga mamnuucay isticmaalka Bacaha iyo in lasoo dajiyo oo laga ganacsado, iyada oo go’aankan uu daba socdo midkii ay horay usoo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Soomaaliya oo dhowaan dalka ka mamnuucday Bacaha.

“Haddaba wasaaradda waxa ay ku wargelineysaa in dhammaan goobaha ganacsiga ee lagu arko iibinta iyo isticmaalidda Bacaha aan kor kusoo xusnay uu ganaax ku waajibi doono, sida ku cad xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland,’ ayay tiri wasaaradda deegaanka Puntland.

Horay sidan oo kale waxaa u mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo  Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir oo xoojinaya go’aanka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya oo dalka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Bacda, si loo ilaaliyo deegaanka, loogana hortago in la wasaqeeyo.

Si kastaba, tallaabadan ayaa muujineyso in Puntland ay kasoo dabceyso halkii ay joogtay, kadib markii ay horay u shaacisay inay xirirka u jartay dowladda federaalka.

Labada dhinac ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf siyaasadeed oo culus oo saameeyay wada shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo gaaray meeshii ugu xumaa.

Hoos ka khirso:-

asan