PUNTLAND oo u yeertay xildhibaannada labada gole ee ku metala DF + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u yeeray xildhibaannada labada gole ee ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu casuumay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo isagu casuumadda u fudiyay xildhibaannada labada gole ayaa ka dalbaday inay kasoo qayb-galaan xafladda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee baarlamaanka Puntland oo dhaceysat 26-ka bishaan.

“Mudanayaal salaan diiran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idinku casuumo in aad nagala soo qaybgashaan munaasabadda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo dhici doonta sabti, 26-ka Oktoobar, 2024” ayaa lagu yiri waraqadda casuumadda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada heer federaal iyo Puntland ay yeelaan doonaan kulamo wada-tashi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kasii daraya ee u dhexeeya maamulka uu hoggaamiyo Deni iyo dowladda dhexe.

“Munaasabadda furitaanka kadib waxaan yeelan doonaa kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa dowladda federaalka, waxaana meesha ka baxday wada-shaqeyntii labada oo muddo dheer hakad ku jirta.

Lama oga waxa ay arrintaan ay soo kordhin doonto iyo wax ay beddali karaan haddii ay xildhibaannada Puntland ku metala labada gole ee baarlamaanka isugu tegaan Garoowe.