PUNTLAND oo war kasoo saartay xiisadda Boosaaso xilli uu halis wajahayo garoonka

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo isku dayay inuu hoos u dhigo xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee salka ku haysa garoonka magaaladaasi, oo ay isku hayaan maamulka Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.

Garoonka Boosaaso ayey shaqadiisu hoos ugu dhacday, maalmana u xirmay digniin ay soo saareen ciidanka PSF oo iyagu sheegay in loo diiday adeegsiga garoonkaasi, halka uu maamulka Deni sheegay taas bedelkeed.

Wasaaradda duulista hawada ee Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo sheegtay inay kasoo dagayaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa imanaya dhowr maalmood kadib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF, waxayna wasaaradda ku wargelisay shirkadaha diyaaradaha in garoonku uu si buuxda u shaqeynayo, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo soo food saartay.

Diyaaradihii gudaha ee tegi jiray garoonkaasi ayaa uga baaqday sababo la xiriira digniinaha kasoo baxaya ciidanka PSF iyo xiisadda taagan, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda u sheegeen Caasimada Online.

Hase yeeshe maamulka Deni oo isku dayaya in uu hoos u dhigo xiisadda haatan kala dhaxeysa PSF ayaa wada isku-dayo uu shirkadaha diyaaradaha ugu qancinayo in sidoodi caadiga ahaa u wataan shaqada, ayna kasoo degi karaan garoonka, maadaama ay qabaan walaac dhanka ammaanka ah.

“Waxaan xaqiijinaynaa in amniga garoonka Boosaaso uu yahay mid sugan, diyaaraduhuna khadkoodi (route) iyo hawlahoodii shaqo ay si caadi ah u wataan, islamarkaana wararka laga baahiyay garoonka ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda duulista iyo hawada iyo garoomada ee maamulka Puntland.

Si kastaba, Ciidamada PSF oo haatan ay xiisad xooggan kala dhaxeysa maamulka Deni, digniin adagna kasoo saaray shaqada garoonka Boosaaso ayaa iyagu saldhig ciidan ku leh meel aan ka fogayn garoonka, taasi oo sare u qaadeysa waalaca amni ee qabaan shirkadaha duulimaadyadda.