Daawo: Qaasim Dhuxul oo maanta u soo gacan galay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 28-aad ee qaybta 21-aad.

Qaasim Geesey oo magaciisa afgarashada loogu yeero Suulal-ceyn ayaa kooxda Al-Shabaab uga biiray Masaajid Cali Gaduud oo ku dhashay, sida uu sheegay.

Qaasim ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, ugu dambeyna maanta ayuu kasoo baxay kadib markii uu adkeysan waayay dhibaatada keymaha dhexdooda ku heysata.

Ninkan ayaa sheegay in kooxda ay wajaheyso xaalad adag, uuna u adkeysan waayey, isagoo tilmaamay sida ay dhalinyarada u maran-habaabiso kooxda, oo hadda wajaheysa guluf ka dhan ah oo ay iska kaashnaayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, kuwaas oo sheega in ay u adkeysan waayeen xaaladda ay kooxda wajaheyso.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka..

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Hoos ka daawo