Muqdisho (Caasimada Online)-Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay ku xirnaayeen Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Xabsiga Dhanaane, Laanta Buur iyo Hawaay oo ku taalla Sablaale agteeda.
Waxaan Qaybta 17aad ee Taxanahan ku sheegay in Xabsiga marka laga soo saaro Maxbuus kasta la geynayay Ceel Jaalle inta aan dalkiisa lagu celin.
Akhristow waxaad is weydiin kartaa sababta.
Waayo?
Maxaabbiista Ethiopian-ku waxay intooda badani ay xirnaayeen ku dhowaad 11 sano. Markaa waxa la goostay in dalkoodii aan la isaga celin uun ee la helo muddo yar oo u dhexeysa maxbuus iyo qof xor ah.
Markaa waxaa la goostay in la geeyo Ceel Jaalle dhowr maalmood ka hor inta aan lagu celin dalkooda.
Ceel jaalle waxay ahayd xarun caafimaadkooda lagu baaro, dharka maxaabbiista looga beddelo, ay timaha ku jartaan, qubeys wanaagsan ay ka helaan, raashin nafaqo leh ay ku cunaan, qof waliba uu iskiis xor ugu yahay goorta uu seexanayo iyo goorta uu toosayo iyo faa’iidooyin kale oo badan marka xabsi la barbardhigo.
Qof kasta oo ka mid ah maxaabbiistaas Ethiopian-ka ah, suuqa dharka aan cusbeyn ee magaalada Muqdisho ayaan dhar iyo kabo uga soo iibannay. Iibinta dharka waxaa igala qeyb qaatay saaxiibbo Soomaaliyeed oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC iyo qaar kaleba.
Jadwalka Gaadiidka
Maxaabiista Ethiopia waxay ku jireen afar xabsi oo kala fog fog iyo laba Isbitaal oo Muqdisho ku yaal; Digfeer iyo Banaadir. Tiradoodu waxay kor u dhaaftay 3,500.
Bal qiyaas intaas oo maxbuus, oo ciidan iyo rayidba leh, oo mid kasta la rabo in lagu qoro duullimaad. Waliba ka hor inta aan la gaarin socdaalkiisa la rabo in la geeyo Ceel Jaalle. Marka duullimaadkiisa la gaarana saacado ka hor laga soo qaadayo Ceel Jaalle oo la geynayo garoonka Muqdisho. Ka hor inta aanuu dayaaradda cagta saarinna ay labada Dowladood ay kala saxiixanayaan iyada oo ay ICRC oo howsha fulineysana ay dhinac ka saxiixeyso.
Waa howlgal maalin oo dhan iyo saacado badan oo habeen ah socda oo jadwal ciidan, mid shaqaale iyo mid gaadiid dhul iyo cirba u baahan.
In maxaabbiis laga qaado goob oo mid kale la geeyo waxay u baahan tahay oggolaasho in ka badan hal hey’ad ay sameyneyso, dokumenti la hubiyay oo haddana xafidan, ilaalo ku filan oo labada goobood joogta iyo mid waddada marsiisa.
Maxbuus kasta waxaa la rabaa in la geeyo Ceel Jaalle ka hor inta aan la dhoofin. Ceel Jaalle mar qura ma wada qaado maxaabbiista oo dhan. Markaa waa in la hubiyaa in kolonyada baabuurta maxaabbiista ka qaadeysa Ceel Jaalle ee u socota Garoonka Dayaaraduhu ay ka soo baxday Ceel Jaalle, ka hor inta aan gawaarida u socota Ceel Jaalle aanay ka soo bixin xabsiga mid uu yahayba. Sidaasna lagu wargeliyaa hey’adaha ay khuseyso oo dhan oo ay isla aqbalaan.
Sidoo kale, Gawaaridu inta aanay ka soo bixin Ceel Jaalle waa in la hubiyaa dayaaradda ka imaaneysa Dire Dawa saacadda ay imaaneyso si aan maxaabbiistu ugu qorraxoon airporka iyaga oo sugaya dayaarad dalkooda ku celisa.
Dayaaradda Dire Dawa ka soo kacaysana waxay ku xiran tahay sida ay diyaar u yihiin Maxaabbiista Soomaalida ee ay ka soo qaadi lahayd Ethiopia.
Waxaas oo dhan waxaa dhinac socda hey’ado badan; Ciidanka Asluubta, Laanta Socdaalka, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo isha ku haya tallaabo kasta oo la qaadayo iyo cid iyo wax kasta oo xabsiga laga saarayo, la dhoofinayo ama la soo gelinayo dalka.
Yaa ka Mas’uul ah?
Haddii ay si wax noqdaan ama wax aan lagu talo galin lala kulmo, si looga baaqsado daah, waxaa hey’ad kasta oo howsha ku lug leh looga baahnaa mas’uul go’aan qaadan kara isla markaas iyo isla goobta.
Dhinaca Dowladda Soomaaliya hey’adaha ka socda oo dhan waxaa wakiil ka ahaa oo go’aankooda loogu imaanayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Maax, oo ahaa Madaxa Guddiga kala wareejinta Maxaabbiista.
Dhinaca Ethiopia waxaa wakiil ka ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiyay Muqdisho,
Howshaas xooggeeda waxaa hagayay mas’uuliyiin tiro badan oo ka tirsan ICRC oo qaarna ay hore dalka u joogeen, qaar aad uga badanina ay howlgalka u yimaadeen. Qaar Soomaaliya joogo, qaarna Ethiopia.
Dhinaca ICRC waxaa u sarreeyay Richard Anderegg oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.
Anigu goobaha aan shaqo u tagey, oo weliba aan qaarkood aad ugu noqnoqon jiray waxay ahaayeen Xabsiga Dhexe, Xabsiga Dhanaane, Isbitaallada Digfeer iyo Banaadir iyo Ceel Jaalle.
Safaaradda Ethiopia waxay ku taallay meel u dhaxeysa Madbacadda iyo Xeebta Secondo Lido. Waxay ahayd safaarad laga feejigan yahay oo shacabku rumeysnaa in ilaalo qarsoon ama basaasiin ay dul fadhiyaan 24-ka saac, qofka galana uu dhib la kulmo marka uu ka soo baxo. Iyada lafteeda dhowr jeer ayaan u tegey howl maxaabbiista la xiriirta.
Berigaas ma jirin telefoonka la qaato, internetna haba sheegin. Baabuurta ICRC ayaa waxaa noogu rakibnaa Raadiyaha loo yaqaan VHF. Isaga oo anteena gacanteyda ka dheer lehna wuxuu noo ahaa kan Gacanka hadda loo yaqaan oo berigii aan u niqiin Walkie Talkie. Dabcan ICRC, iyo hey’adaha Dowladda oo iyaga dhexdooduna sii kala duwan waxaan dhammaanteen haysannay mowjado kala duwan.
W/Q. Yuusuf Garaad