Qaraxyo ay soo dhiibeen Al-Shabaab oo la qabtay iyo rag loo soo xiray

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo Booliska maamulka HirShabelle ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa la doonayay in lasoo geliyo degmada Maxaas, waxaase ka hortegay ciidamada oo helay xogta dhagarta ay soo maleegtay Khawaarijta.

Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Maxaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la fashliyay qaraxyada, sidoo kalena loo soo xiray  qof oo eedeysanayaal ah, halka ay ku raadjoogaan dad kale oo baxsad ah.

“Ciidamada deegaanka, milatariga, nabad-sugiddda iyo ciidamada booliska oo arrimahaas aad uga feejgan ayaa ka hortegay qaraxyada, waxaa u xiran 2 qof oo eedeysanayaal ah, in kale oo badana waa ku raad-joogaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga Maxaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka iyo shacabka degmada ay mar hore u diyaar garoobeen inay si wadajir ah uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Shabaab.

“Qof kasta oo ku sugan degmada Maxaaseed wuxuu u diyaarsan yahay sidii uu uga hortagi lahaa dhagarta ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli degmada Maxaas iyo deegaanada u dhow howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Maxaas ayaa kamid ah degmooyinka uu weli ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.