Sawirro: 21 qof oo ku dhimatay qaraxyo ruxay magaalada…

Dimishiq (Caasimada Online) – Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay ilaa seddax qarax oo mid ka mid ahaa ismiidaamin, kuwaasi oo ka dhacay fagaaraha Taxriir ee caasimada dalka Siiriya ee Dimishiq.

Qaraxaan oo uu fuliyay qof waday gaari miineysan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 20 qof sida ay sheegeen hay’addaha xuquuqda aadanaha ee Siiriya.

Gaarigaan qarxay ayaa waxaa wehliyay labo gaari kale oo waxyaabaha qarxa siday, kaasoo ay ciidamadu ceyrsanayeen laakiin ujeedadii laga lahaa intuusan gaarin qarxeen.

Warka ayaa intaasi raacinaya in laamaha amaanka ee Suuriya ay ka hortageen argagixisada intii aanay gaadhin bartilmaameedkooda oo ahaa goobaha ugu mashquulka badan magaalada Dimishiq maalmihii ugu horreeyey ee shaqada kadib fasixii Ciidul Fadriga.

Muuqaalada ayaa muujinaya burburka gawaadhi daadsan banaanka hore masjid ku yaal deegaanka Baytara ee gawaadhida ku kala wareegto oo u dhow magaalada qaybta qadiimka ah.