Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in fariisin ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan dowlada lagu weeraray Qaraxyo.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada lagu weeraray Qaraxyada ay kamid ahaayen ciidamada Booliska ee dhawaan lagu wareejiyay Isgooyska Howlwadaag.
Goobjoogayaal ku sugnaa Isgooska ayaa sheegay in Qaraxyada ay ahaayen kuwo ka dhashay Bam gacmeedyo lagu weeraray ciidamada xili ay ku guda jireen baaritaanada gaadiidka.
Maleeshiyada Bamka tuuray oo aheyd laba Dhalinyaro ayaa iska cabin kala kulmay ciidamada ku sugnaa Isgooska oo ay Bamka ku tuureen.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray ciidamo iyo dad shacab ah.
Dhimashada ka dhalatay Qaraxyada ayaa la sheegay inay gaareyso ilaa laba ruux, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa afar ruux oo ay ku jiraan shacab.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adaha amaanka ayaan weli ka hadal Qaraxyada caawa lagu weeraray ciidamada Booliska ee ka howlgala Isgooska Howlwadaag.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com