QM oo war culus ka soo saartay kiiska 4 qof oo Kenya ay u gacan gelisay Turkiga

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay warka ku saabsan afar qof oo qaxooti ah oo Kenya ay ku celisay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Turkiga uu ka codsaday soo celinta afarta qof.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii la helay warar sheegaya in dhowr qof laga afduubtay wadooyinka magaalada Nairobi Jimcihii lasoo dhaafay, ugu dambeyntiina dadkaasi waxaa loo gacan geliyey dowladda Turkiga.

Qoraal ka soo baxay UNHCR ayaa lagu yiri, “Waxaan ku adkeyneynaa dowladda Kenya in ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran qeynuunka caalamiga, gaar ahaan, in ay ixtiraanto mabaadi’da in aan dib loo celin qaxootiga iyo magangalyo-doonka, lagana ilaaliyo tallaabo kasta oo horseedi karto in la geeyo meel xorriyadooda ama noloshooda ay halis ku galeyso.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay aqbashay codsiga Turkiga ee dib loogu celinayo afartaas nin, sababtuna ay tahay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ee adag ee ay la leeyihiin dalka Turkiga, waxaana la xaqiijiyay in qaxootiga loola dhaqmi doono si sharaf leh.

Afarta nin ayaa la aaminsan yahay in ay taabacsan yihiin dhaqdhaqaaqa Gulen oo ah urur Islaami oo xoog leh oo taageerayaashiisu adduunka kala joogaan. Hoggaamiyaha ururkaas ayaa dhawaan geeriyooday.

Dhaqdhaqaaqa Gulen waxay maamulaan iskuula ku yaal Kenya iyo adduunka oo dhan, Turkiga waxaa looga yaqaan Hizmet ama adeeg, waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen isku daygii afgembi ee 2016-kii, markaas wixii ka dambeeyay waxaa Turkiga looga aqoonsaday urur argagixiso oo halis ku ah qaranka.