QM oo war culus kasoo saartay shacabkii lagu laayay Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay aya war culus kasoo saartay weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro ku caweynatat halkaasu.

Ku simaha ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo qoraal soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in fal aad looga naxo uu yahay in la beegsado shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ehellada ku waayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo,” ayuu qoraalkiisa yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in QM ay ku garab taagan tahay dowladd Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, uuna xigay dagaal toos ah ayaa hadda kordha, wuxuuna gaaray 37 qof oo dhimasho, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo soo saaray tirakoob cusub oo ay sameeyeen.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.