Qodobo ku jira sharciga doorashada oo xujo ku noqonaya Farmaajo iyo Saciid Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada, kaasi oo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.

Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jira qodobo xujo ku noqonaya musharrixiinta madaxweyne ee u taagan doorashada soo socota, taas oo meesha ka saareysa in mucaaradka uu aqbalo sharcigan.

Sida uu dhigayo qodobka 36-aad ee shuruudaha doorashada madaxweynaha ee sharcigan waa inuu musharaxa jagada madaxweyne u tartamayaa uu muddo laba sanadood kahor ku noolaa gudaha dalka.

Qodobkan ayaa sida muuqata xujo ku noqonaya madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu tan iyo markii uu xilka wareejiyay u wareegay ku nolaanshaha magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sidoo kale wuxuu sharcigan dhigayaa in musharaxa madaxweyne uu 6 bilood kahor iska casilaa haddii uu haho xil fulin dowladeed, marka laga reebo madaxweynaha xilka markaasi haya.

Qodobkan ayaa isna xujo kale ku noqonaya Saciid Deni, oo doorashadii hore u tartamay xilka madaxweyne isaggoo iska casilin kan Puntland, balse sharcigaan ayaa midaas u diidaya hadda.

“Waa inuu ka tanaasulaa haysashada jinsiyad kastoo kale oo aan aheyn midda JFS, uuna sidoo kale shantii sano ee u dambeysay musharaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama dambeys ah ugu riday,” ayaa lagu yiri qodobo kamid ah sharciga doorashooyinka.

Waxaa adkaan doonta sida muuqata in musharaxiinta u damaca uga jiro kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Xasan ay aqbalaan sharcigan uu madaxweynaha rabo inuu marsado baarlamaanka, iyaga oo horey meel adag uga istaagay afartii cutub ee dastuurka.

Middan ayaa ka dhigan in dalka uu lugaha la galayo qalalaase siyaasadeed, waxaana isha lagu hayaa halka ay ku biyo shubato arrintaan iyo dhinaca ay dhibcaha siyaasadeed dhankiisa mari doonaan.