Qoor Qoor oo xaalad adag wajahaya iyo siyaasigii labaad oo garabkiisa baneeyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo ku aadan loolanka doorashada kusoo foodka leh, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisa.

Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ayaa si weyn uga socda Galmudug, waxaana sidoo kale bilowday olole ay wadaan xubnaha musharixiinta ee kasoo horjeedo, kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Qoor Qoor, isla markaana uu isbeddal wayn ka dhaco Galmudug.

Arrimaha culeyska kusii badanaya madaxweyne Axmed ayaa waxaa kamid ah in deegaanada qaar ay musharixiinta ka bilaabeen ololahooda, isla markaana si weyn looga taageeray, waxaana kamid ah degmada Xarardheere, inkastoo Qoor Qoor uu tallaabo qaaday, kadibna xilkii uu ka xayuubiyay guddoomiyihii maamulka degmadaas Maxamed Yuusuf Kulmiye oo taageero u muujiyay musharraxa Liibaax Shuluq.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin saameyn leh oo 5 tii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay Axmed Qoor Qoor, kuwaas oo hadda banneeyay garabkiisa, xilli uu wajahayo xaalad adag.

Siyaasiyiintaas waxaa kamid ah Cumar Shiddo wasiiru dowlihii madaxtooyada Galmudug oo dhowaan is casilay, sababo la xiriira loolanka loogu jiro doorashada ee haatan socda.

Waxaa sidoo kale haatan is casilay Axmd Shire Falagle oo la-taliye u ahaa madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena horay usoo noqday wasiirka warfaafinta Galmudug.

Falagle oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in sababo isaga u gaar ah uu isku casilay, laakin waxaa la rumeysan in go’aankiisa uu  la xiriira arrinta doorashada Galmudug.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:

Anigoo ah La-taliyeyaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) magacaygu yahay Lataliye Axmed Shire Maxamed (Falagle) maanta oo ah Jimco bisha Septembarna Tahay 06/9/2024 waxaa Iska casilay shaqadii Lataliye Madaxweyne ee Galmudug.

Waxaa aad iyo aad ugu mahadcelinaa wada shaqayntii 5ta sano Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqor) oo marna Wasiirka Warfaafinta ii igmaday marna Lataliyenimo.

Ma jiro khilaaf iyo dhaliil Madaxweynaha iyo Aniga noo dhaxaysa Waa Saaxiibkay Shaqooyin Wax Ku Oola Wada Qabanay Inaa xilka Katago Waa Arimo aniga Ii Gaara.

Galmudug waxaan Urajeynayaa Midnimo ,Horumar,Nabad MADAXDII iyo Asxaabtii Aan Wada Shaqaynay ,iyo Shacabka Galmudug Waa Iga Cafis Cidwalba Oo  Wax aan katirsanayey Waxaana Cafis Ka Codsanaaya Inay I Cafiyaan intii wax iga tirsanayeay”