Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa 500 askari usoo diray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ah wajiga koowaad ee qorshe ballaaran oo ay ugu talagaleen in ay gaarsiiyaan ilaa 2,500 oo askari, si loo xoojiyo difaacyada dowladda Soomaaliya.
Labo diyaaradood oo xambaara ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa keenay askartan iyo qalabkooda, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Adde ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Ciidamadan ayaa qeyb ka ah iskaashi amni oo sii ballaaranaya oo Turkigu la yeeshay Soomaaliya, kaas oo lagu bilaabay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.
Askartan oo wata hub culus, isla markaana ay sidaan diyaaradaha milatari ee Qatar, ayaa ka soo degay garoonka Aden Adde. Waa qaybta hore ee ciidan loo qorsheeyay inuu ka koobnaado illaa 2,500 oo askari, kuwaas oo baarlamaanka Turkiga ansixiyay bishii Luulyo 2024, si ay muddo labo sano ah uga howl-galaan Soomaaliya.
Howlgalka ciidamadan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay la kulmeen guuldarrooyin, kaddib markii Al-Shabaab ay qabsatay saldhigga dhexe ee Adan Yabaal oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii kooxdaasi ay la wareegtay deegaanno badan oo ay ka mid yihiin magaalooyin iyo tuulooyin, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo kororka awoodda iyo saameynta ay kooxdaasi ku leedahay gobolka.
Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu gudbiyay madaxweynaha dalkaasi, kaas oo oggolaanaya in la geeyo ciidan muddo labo sano ah si ay u taageeraan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
Ciidamada Turkiga ee Muqdisho la geeyay ayaa la filayaa inay diiradda saaraan sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah, sida xarumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Si kastaba, Turkiga ayaa sheegay in ujeeddadiisu aysan ahayn inuu si toos ah uga qeyb qaato dagaalka ka socda dalka, balse uu doonayo in uu ka taageero dadaallada xasilinta.
Joogitaanka milatari ee Turkiga ayaa qeyb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya si ay ula tacaalaan khataraha amni ee gudaha, ayna gaaraan awood ay iskood isugu filnaadaan. Qorshahani wuxuu ku dhisan yahay iyadoo la raacayo heshiis iskaashi difaac oo labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, xilli ay Ankara ka dhacday xaflad rasmi ah oo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ee xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, kaalmo dhaqaale oo milatari, iyo tababaro wadajir ah oo la siinayo ciidamada labada dal, taasoo muujinaysa sida labada dhinac ugu heelan yihiin nabadgelyada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Dadaalka Turkiga ee ku aaddan ammaanka Soomaaliya ma aha mid cusub. Tan iyo 2021, Turkiga waxa uu tababar siiyay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna dalka ka dhistay saldhig milatari. Sidoo kale, markab dagaal oo uu leeyahay Turkiga, TCG Kinaliada, ayaa booqday Muqdisho 23-kii Abriil, taasoo muujinaysa xiriirka sii qoto dheeraanaya ee labada dal. Booqashadaas kaddib, Turkiga wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu markabyo dagaal ku geynayo biyaha Soomaaliya si ay u sugaan badqabka markab sahminaya shidaal oo uu leeyahay Turkiga.
Ciidamadan la geeyay Soomaaliya waxay mar kale muujinayaan sida Turkiga ugu go’an yahay taageeridda amniga Soomaaliya, iyadoo uu sidoo kale horumarinayo danihiisa istaraatijiyadeed ee Geeska Afrika.
Turkiga ayaa sidoo kale hub iyo qalab ciidan u hibiyay Soomaaliya, waxaana uu hadda ka fiirsanayaa inuu si rasmi ah ciidan joogto ah ugu howlgeliyo gudaha dalka. Intaas waxaa dheer, Turkiga waxa uu Soomaaliya siiyay gaadiidka gaashaaman ee Kirpi, baabuurta xamuulka, iyo qalab kale oo milatari, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.
Arrintan ayaa sidoo kale qeyb ka ah istaraatijiyaddiisa uu ku doonayo in uu saameyn ballaaran ku yeesho gobolka, oo horey ay ugu tartamayeen Mareykanka iyo Shiinaha.