Qorshaha Turkiga ee hawada sare iyo saldhig wayn oo uu ka hirgalinayo Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa si wayn loo hadal hayay qorshe dowladda Turkiga ku dooneyso in ay Soomaaliya kaga hirgaliso saldhig wayn oo laga dirayo Gantaalada hawada sare.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa u socda wada-hadalo ku saabsan dhismaha saldhiga gantaallada hawada sare ee Geeska Afrika.

Ilo-wareedyo si dhow ula socda arrintaan ayaa sheegay in barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Turkiga ay Soomaaliya ku doorteen maadaama ay ku taal cidhifka bari ee Afrika iyo badweynta Hindiya aadna ugu dhaw dhul baraha.

Dowladda Turkiga ayaa dhowr sano waday qorshe ay ku dooneyso in ay ku gaarto hawada sare.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay sanadka 2021 qorshe 10 sano soconaya oo loogu tala-galay barnaamijka hawada sare ee dalkiisa.

Warar soo baxayey xilligaas ayaa sheegayey in barnaamijkan uu u baahan yahay in laga dhiso goobta gantaallada laga soo rido Soomaaliya.

Ilo-wareedyo Turki ah oo la socda qorshaha dowladda ayaa u sheegay bishii February 2021 in Turkiga uu qorsheynayay inuu Soomaaliya ka dhiso saldhig hawada sare ah, kaasi oo ku kacaya  dhaqaale gaaraya 1 bilyan oo dollar ah, si ay u gaaraan dayax 2028.

Dhismaha iyo dayactirka saldhiga ay Soomaaliya ka doonayaan ayaa la qorsheynayaa in ay ku baxdo ku dhawaad ​​350 milyan oo doolar.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca, waxaana hadda u socdo wada-hadallo la xiriira hirgelinta saldhig wayn oo Turkiga doonayo inuu ka sameysto gudaha Soomaaliya, si uu uga diro gantaalada hawada sare.