Qormadani waa taxanaha raddin shubbaha oo aanu ku raddineynay qoraallo uu inoosoo direy yar Soomaaliyeed oo sheeganaya inuu ka baxay diinta Islaamka, waxyaaba badanna oo ay beri ka tahay ku tuhmaya diinta Islaamka iyo ahalkeeda. Su’aalo badan oo uu qabay iyo shubbaha ayaa ka raddinay, tanna waxaan rajeyneynaa inay mari doontii halkii aan shubbahaadkii hore ku raddinay hadduu Eebbe idmo.
Nabadey.
______________________________
Asmaa ma ahan magaca ugu horreyn, waa Casmaa bint Marwaan, labada magacna Carabi ahaan waa kala mid oo labaduba waa magacyo jira oo loola baxa hablaha Carbeed. Waa dhici kartaa in english ahaan aad u qoreysa, laakiin intaas waa sixid magaca quseysa.
Dhanka kale qisadan wuxuu yarkani usoo qaatay inaanu nebi Muxammad (NNKH) noqon karin nebi maadaama falka noocaas ahi uu sameeyay. Sidaa daraaddeed baa halka ugu hooseysa qormadiisa wuxuu oranayaa bal is weydii mar kale halka ay waxa aad kudoodeysa (diinta Islaamka) salka ku hayaan?
Nacam diinta aan ku doodaya waxay salka ku haysaa Muxammad xabiibkii Alle raxmaddii Islaamka iyo koonka, nimay indhahiisa u ooyn doonaan si umaddan dhan naarta looga badbaadiya maalinta Qiyaama, nimay naxariis qalbigiisa buuxisay, nin markii koonka oo dhan la halligi lahaa yiri ”Maya waxaan rajaynayaa kuwa dhabarkooda kujira inay noqon doonaan kuwa diinta u gargaara”, naxariis iyo nabadda Alle dushiisa ha ahaato.
Raxmaddii koonka ayay salka ku haysaa diintani qiimaha badan ee naxariista la timid. Haah!! waxay la timid naxariis, Muxammadna (NNKH) adiguu kaaga naxariis badnaa waalidkaaga.
Waxaan kutusi doonaa inuu ahaa ninka ugu naxariis badan koonka, Alle kor ahaaye isagoo Quraanka arrinkaasi inooga warramaya wuxuu yiri ”.
” فبما رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظاً غليظ القلب لانفضوا من حولك ” ” آل عمران 159″
(وَلا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ). (فصلت:34).
( وما أرسلناك إلا رحمة للعالمين)
Werintani uu soo minguuriyey sidoo kale waxay ku xusan tahay Musnad Al Shihaab, safxada 46d werinta 856.
Bogga ama safxada 46d illaa 47 ayay ku qoran tahay werintaasi, haddiina aad eegta halka ugu horreysa ee silsiladda werintaasi, kow wuxuu imaamku oranayaa Xadiiskani waa mowduuc, yacni mid been abuurad ah. Wuxuu intaasi sii raacinayaa ”Maxammed ibnu Xajjaaj-na wuxuu Ibnu Caddiyi ka yiri waa xadiis been abuurad badan yahay. Ad Daaraqudni iyo Ibnu Maciinna waxay yiraahdeen waa beenaale been abuur badan. Al Azdina wuxuu yiri waxaa laga soo weriyey Mujaalid oo kasoo weriyey Shicbi oo kasoo weriyey, xadiiska Qis ibnu Sacaadah, mana lahan sal iyo raad, waana mowduuc (been abuurad), raawiga soo weriyeyna wuxuu Ad Daaraqudni ka yiri ”Waa beenaale”. Sidaa oo kale ayuuna Al Imaam ibnu Xibbaan ku tilmaamay”.
Intaas waa sida ku qoran safxada aan soo xusay, ee kitaabkaasi, waana inta werinta la xusin horudhaca ka horreeya ee ku qoran kitaabka.
Cilladda kalee ee ay werintani leedahay waxaa silsiladda werinteeda kujira Mujaalid ibnu Saciid. Bal waayo Mujaalidkani? Kaalay wax ka baro, fur kitaabka Meyzaan At- Tacdiil, ee lagu qoray ragga soo weriyay axaadiista iyo ruwaayadaha. Waxaa iskaleh Imaam Shamsu Diin Ad Dahabi. Fur safxada 23d ee kitaabka, waa ciwaanka Mujaalid.
Eeg turjumada 7076, waa shaqsiga labaad ee lagu tacriifinaya boggaas, waxaa uun ka horreeya Mujaalid ibnu Abii Raashid. Kadib waxaa laguu tacriifinayaa Mujaalid ibn Saciid shaqsiyaddiisa. Ibnu Maciin iyo rag kale oo lamida waxay yiraahdeen ”Lama soo xujeysta ninkan”. Macnaha daliil ma noqdo warkiisa.
Imaam Axmed ibnu Xambil wuxuu ka yiri ”Waxba ma ahan”.
Nisaa’iyi wuxuu ka yiri ”Ma ahan qawi, yacni mid adag oo la daliishan kara”.
Ashajna wuxuu xusay inuu ahaa ”Shiici”.
Daaraqudni wuxuu ka yiri ”Waa daciif ninkan”.
Aqwaashani waa hadallada ku xusan safxada aan kuu sheegay, waana sida ay u tacriifiyeen culimadeennii hore ee Ilaahay ku difaacay nebigooda, kana hortegey inaanan lagu been abuuran. Intaa oo kaliya kuma ekaan doonno, mar kale aan furno kitaabka la yiraahda Ad-Ducafaa wal matruukiin (bimacnaa kuwii daciifka ahaa ee la isaga tegey), waa kitaabka lagu jamciya dadkii la yimid axaadiista iyo werinnada been abuurka ahi, ee looga bartay beenta, ha noqdaan kuwii shiicada, kuwii Islaamka ku cusbaa, kuwii munaafiqiinta iwm. Waxaa iskaleh kitaabkani Al Imaam Ibn Al Jowzi. Fur safxada 35d ee kitaabkaasi, kadib eeg turjumada 2851 waa Mujaalid ibnu Saciid, qofka turjumadaasi lagu macneynaya.
Xasuusnow!! kitaabka uu ku dhex yaal waa kitaabka la yiraahda Ad- Ducafaa wal Matruukiin (kuwii daciifka ahaa ee laysa tegey/ la nacay). Turjumadaasi iyo wixii ay culumada ka yiraahdeen waa tane hoo!!.
2851. Mujaalid ibnu Saciid bin Deey ibnu Maraan Al Hamdaani Al Kuufi, wuxuu wax kasoo weriyey Al Shicbi iyo Qeys ibnu Abii Xaazim.
Imaam Axmed wuxuu xaggiisa ka yiri ”Waa wax ma tare, waxna ma ahan”.
Ad- Daaraqudni iyo Nisaa’iyi, Yaxiic waxay ka yiraahdeen ”Waa daciif”.
Ibnu Xibbaan wuxuu leeyahay ”Ma banaano in la daliishada xujo ahaan ruwaayadahiisa”.
Ka warran marka, nin la diidey wuxuu soo weriya oo dhan in la daliishada walow ay noqdaanba wax wanaagsan, ma waxaad moodeysaa in been abuur intaa dhan laga qaadan karo oo Islaamka iyo ehelkiisa lagu wasakheyn kara?
Intaas oo qura maahane, bal fur kitaabka la yiraahda Al Majruuxiin minal Xadiis oo uu leeyahay Ibnu Xibbaan, safxada 343, turjumada raqamka 1037 waa magaca Mujaalid ibnu Saciid.
Waa tane hoo!! iyana wixii ay culimada ka yiraahdeen ninkan.
Wuxuu leeyahay sheekhu, ”Wuxuu ahaa nin wax isku khalda oo asaaniidda iyo maraasiilta isku walaaqo, mana banaano in la xujeysta warkiisa”.
Yaxyaa Ibnu Maciinna ayaa la weydiiyey Mujaalid ibnu Saciid markaasuu yiri ”Wuxuu ahaa daciif”.
Intaas kadib!!
Haddii aan kutusinnay in ruwaayaddu ay tahay mid daciif ah, waxaad mar kale ogaataa si kooban cillada ay leedahay oo ah, wax ka badan saddex cilladood. Ugu horreyn waa mowduuc (been abuur) sida kuxusan masaaniidda iyo kutubbada xadiiska. Marka labaad waxaa kujira rag wada daciif ah oo kala ah Maxammed Ibnu Xajjaaj iyo ina Ibraahiim iyo weliba Mujaalid ibnu Khaalid.
Intaa dabadeed waxaad ogaataa waxa laguu soo dhiibay inay tahay wax aanan Islaamka sal iyo raad toona ku lahayn. Haddii aad kasoo aqrisay kitaab taariikheed oo Islaamna, kitaab taariikheed wax walba ayaa kuqoran, kitaabkana wuxuu qisada usoo weriyey sidii loo yiri isagoo xusaya halka uu kasoo weriyey iyo silsiladdiisa, si daba gal hadday tahay ama loo baahdo loogu samayn kara. Ragga soo weriyeyna wuu xusay, kuwaasoo ay dhacaysa in uuba sheekha ogyahay inay kuyaallaan kutubbadan aan immika soo xusnay. Si kastaba haddii maanta aniga buug aan qoraya aan ku xuso ”sidaa iyo sidaa ayaa la yiri oo waxaa yiri hebel oo hebel kale kasoo weriyey”. Taa macnaheedu ma ahan in waxaasi aan anigu dhahay ama ay jiri karaan. Kaliya waxaa loo baahan yahay cidda tiri ee aan xusay in la daba galo, taasina adigu waad garan weyday oo toos waxaad lasoo carartay shubbahadii, sidiiyoo aad mooddeysay inaad Islaamku duleel ka heshay aad iin iyo ceeb ugu yeesho.
Aan mid kuweydiiyee!!, haddii Nebi Muxammad (NNKH) uu sidaasi samayn lahaa oo run ay ahaan lahayd ma wax bay u dhimi lahayd nebinnimadiisa?
Immikuse ma aragtay in uu beri ka yahay oo aanay ahayn xaqiiq jirta warkaasi? Waxaad la yaabtay in haweeney ka hor timaadda sharciga Alle, oo nebiga Ilaahay aflagaadeysa aanan la dili karin. Waxaan kutusayaa sidii aan horey kuugu sheegeyba halka warkani u ku yaal oo ah Baybalka. Horey ayaan kuugu sheegey wax kastood Islaamka ku tuhmeysa waa wax Baybalka ku dhigan, Islaamkuna uu beri ka yahay.
Fur kitaabka Baybalka qeybta Hosea cutubka 13d faqrada 16d
Hosea 13: 16d Samaria will be made waste, for she has gone against her God: they will be cut down by the sword, their little children will be broken on the rocks, their women who are with child will be cut open.
Hosheeca 13: 16d Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.
Bal indhaha furoo si fiican u aqri mar kale, waa Baybalka halka aad leedahay inuu Ilaahay ku amraya in haweenka uurka ahi caloosha laga soo ridi doono, sabab ay Ilaahay ku caasiyeen darteeda, oo dhallaankooduna dhulka lagu tuuri doono. Marka tan loo eego qisadii beenta ahayd ee aad kasoo minguurisay nebi Muxammad (NNKH) sow Muxammad ma noqonaya mid ka naxariis badan Ilaaha aad aaminsan tahay, waayo waxaad tiri Muxammad (NNKH), wuxuu ka duway oo ka leexiyey haweeneydii ilmaha si aanay dhibaato usoo gaarin, oo haweeneydii oo qura diley?
Yexesqiyeel 9: 6d Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
Ka warran arrinkani, ma Islaamkaa mise waa Baybalka waxa kani ee xasuuqa ba’an ku haya umadda? Ma garawsatay in Islaamku yahay nabad iyo naxariis, adiguna lagu qalday? Ma garowsatay qisada aad lasoo shirtagtay inay tahay been abuur, iyo mid aanan waxba ka jirin, balse mid iyada ka daran ay ku taal Baybalka? Intaa dabadeed maxaa kuu bannaan oo aanan ahayn inaad diintaada raaxada iyo nabadda iyo wanaagga badan aad ku noqoto? Ilaahay ha kuwaajiya xaqa hana kugu duwa inaad ka badbaadda cadaabta aad kusii jeedda. Kaa hagran mayno wixii talo iyo waano ah iyo inaan kaa shaafinna boogga iyo dhaawacyada loo geeystay laabtaada shubbahaadka foosha xun ee lagu qosla ee maskaxdaadu ay ka buuxiyeen.Wa billaahi towfiiq!!.WQ: Mohammed Tahir Abdi
___________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay webka caasimada.net iyo qoraha. Lama daabacan karo idan la’aan.