Ra’iisul Wasaare xigeenka dalka oo waayey kursigiisa Aqalka Sare, kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Saalax Jaamac ayaa maanta waayey xubinimadiisii Golaha Aqalka Sare, sida uu shaaciyay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen Senatorada Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aanu soo xaadirin kulamada golaha muddo laba sano iyo bar ah, sidaasna uu ku lumiyay kursigiisa.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale wuxuu isku dayay in Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu ku buuxiyo booska uuu waayay Saalax, kaas horay ugula tartamay kursiga, balse waxaa diiday Senatorada kale.

Dhanka kale arrintan ayaa dhalisay dood xoogan oo hareysay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada ay diideen qorshaha guddoomiyaha oo doonayay in isla maanta kursigan loo dhaariyo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare.

Xildhibaannada ka horyimid magacaabidda ayaa ku dooday in aysan suurtagal ahayn, maadaama aan dastuurka lagu heshiin.

Senator Xasan Kobac oo kamid ah xubnaha diiday ayaa yiri “Waa degdeg arrintan sax maaha in golaha uu ka shaqeeyo nidaam aan sax ahayn oo qofaan keenaa, midna waan tiraa ah”.

Dhankeeda Senator Zamzam Daahir ayaa ku jawaabtay “Kursiga reer Soomaaliland ayaa iska leh Cabdi Xaashi ayaana masuul ka ah wixii reer Soomaaliland ah Gudoomiye Xafiiskaaga kusoo dhamee Senatorka nasoo ag fadhiisi kaliya”.