Sababta ka dambeysa in MASAR ay xilligaan timaado SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyay in Masar ay u gudbisay codsi ah in ay ciidankeeda u soo dirto dalka Soomaaliya oo jaarka la ah Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan qorshe nabad ilaalin ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan codsiga Masar ee ah in ciidamadooda ay u soo diraan Soomaaliya si ay ugu mid noqdaan kuwa nabad ilaalinta.

Ururka ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqay in ciidamada Midowga Afrika ee Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS, lagu beddeli doono ciidamado cusub oo la yiraahdo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 20205-ka.

Shir ay dhawaan yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Masar iyo Jabuuti ayay ku shaaciyeen inay u gudbiyeen codsi ah in ciidamadooda la geeyo Soomaaliya si ay u hoos yimaadaan ciidamadan cusub ee nabad ilaalinta ah.

Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ciidamadooda loo geeyo Soomaaliya howlo nabad ilaalin ah xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka baxaan dalka.

Haddii dalabkan Masar la xaqiijiyo, ATMIS-na waqtigeedi howlgaku dhammaanayo sanadka 2024-ka, waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar la geyn doono Soomaaliya bilowga sanadka 2025-ka.

Haddaba, maxaa Al-Sisi ciidamadiisa ugu dirayaa Bariga Afrika? Maxayse diritaanka ciidanka Masar ugu dhigan tahay Soomaaliya, Itoobiya iyo gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, “Danta ugu weyn ee Masar ay ka leedahay gelitaanka Soomaaliya waa dan juquraafiyadeed. Waxay noqon karaa xoojinta Qaahira ee muujinteeda garab istaaga Soomaaliya mid lagu tilmaani karo,” ayuu yiri, isaga oo soo qaatay xiisadda Qaahira kala dhexeysa Addis Ababa ee ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka.

Marka laga soo tago khilaafka kala dhexeeya Itoobiya, arrimaha ammaanka ee marinka ganacsiga badda cas oo carqalad kala kulmaya fallaagada Xuutiyiinta, waa sabab kale e oo Masar ku ah culays saaran.

Marka la eego xaqiiqda ah in Masar ay dhaqaale badan ka hesho marinka kanaalka Suweys ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda cas, sugidda amniga badda cas waa arrin u taal Qaahira.