Sababta rasmiga ah ee loogu kala kacay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale dib uga guratay inay ka laabato is-afgaradkii ay 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan ay la gaareen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Shir hal maalin loo qorsheeyay ayaa laba maalin qaatay, iyada oo dood adag ay ka dhacday magaalada Ankara ee waddanka Turkiga.

Labada wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya isma soo horfadhiisan, waxaana u kala dab-qaadeysay wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga.

Itoobiya waxay ku dhaganeyd ballan uu Turkiga qaaday oo aheyd in Soomaaliya ogolaan doonto inay Itoobiya siiso qaab ay kusoo gaari karto biyaha caalamiga ah ganacsi ahaan.

Waxay dalbadeen Itoobiyaanka in nuqulka soo baxaya lagu caddeeyo inay illaa gudaha biyaha Soomaaliya fasax buuxa u haystaan inay shaqooyinkooda ku qabsadaan, taas oo xitaa mustaqbalka ka badan karta ganacsi.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi, kaas oo la xasuusto inuu wareegii hore ee wada-hadallada wax badan dhinac iskaga riixay, haatana si taas lamid waxaa la xaqiijiyay inuu wasiirka diiday in la isku lifaaqo ka noqoshada Itoobiya ee is-afgaradka iyo ogolaanshaha ah inay Soomaaliya bixiso go’aan ay Itoobiya kusoo gaareyso badda.

Qoraal uu faafiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Fiqi waxa uu ku sheegay in Soomaaliya aanay ogolaan doonin qorshaha Itoobiya ee ah “ku qabso ku qadi meyside”.

Xogaha dheeriga ah ee shirka waxay sheegayaan inay Itoobiya aad ugu dhagan tahay inuu is-afgaradkii Muuse Biixi wax u dhalo, kadibna ay bixiyaan cudur daar, kuna dhawaaqan ka noqosho, laakiin iyada oo aan waxba loogu beddelin uma socdaan jidka ka noqoshada iyo cudur-daarka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa haysta cadaadis xoog leh oo ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo dalbanaya in is-afgaradka lagu beddelan bad bixin.

Soomaaliya waxay ku dooday in Itoobiya marka hore sameyso ka noqosho iyo cudur daar kadibna lasoo celiyo cilaaqadkii labada waddan oo waayadan xumaa, kadibna ay labada waddan sii amba-qaadan sida lagu gaari karo in ganacsi ahaan loo kala faa’iideysto.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in xooga ka carootay sida ay labada waddan usoo aqbaleen wareeg labaad oo wada-hadal ah, iyada oo midkoodna uusan kasoo dabcin halkii uu taagna wareegi hore.

Wada-hadallada ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, laakiin waxaa lagu ballamay in la isku soo laabto wareeg saddexaad bisha soo aadan ee September, kaas oo ka dhici doona waddanka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisi hore si fiican u wajahay Kenya oo isku deyday inay qaadato qeyb kamid biyaha Soomaaliya ayaa haddana markale u muuqda inuu mowqifyo ad-adag ku wajahayo Itoobiya, oo iyaduna soo damaacisay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Albaab aan badda ka galno hana la siiyo, waa damac labaad oo ay curisay Itoobiya, inay Soomaaliya diidayna waxaa loo arkaa is-difaacid muuqata.