Saciid DENI oo dab kusii shiday xisadda Jubbaland iyo DF – Muxuu sameeyay?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada Puntland ayaa dab kusii shiday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni ayaa taageero wayn u muujiyay Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in Puntland ay garab iyo gaashaan  u noqoneyso dowlad goboleedka Jubbaland oo haatan ay is hayaan dowladda dhexe.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood dastuuriya u lahayn inay faragaliso doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dood ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna hoosta ka xariiqa in ujeedka uu yahay in maamullada taabacsan dowladda loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda.

Ugu dambey wuxuu carabka ku dhuftay in dalka uu wajahayo khatar, haddii Villa Soomaaliya aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu marayo dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in mar kale dib loo sii amba qaado shirka golaha wadatashiga qaranka xilli ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aanno xasaasi ah.