DENI oo dowladda Xasan ku eedeeyay inay raali ka tahay dhaqan aad u foolxun

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu u gefo dad Soomaaliyeed, uuna Soomalinimada ka saaro.

Saciid Deni ayaa arrintan ku macneeyay khatar kale oo kusoo korortay Soomaaliya, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku dhaliilay sida aysan illaa hadda tallaabo uga qaadin mas’uulka ka tirsan dowladdiisa ee u gefay beel Soomaaliyeed.

“Waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay in aan tallaabo laga qaadin,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa arrin ugub ah oo tallo u baahan, una baahan in kor loo sheego. Waxaan ku waafaqsanahay walwalka ay dad badan ka qabaan jihada Soomaaliya u socoto iyo Geeska Afrika. ”

Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay hab hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay Soomaaliya u socoto, oo uu sheegay inay tahay jiho khatar ah oo keeni karta meel aan laga soo kaban karin.

“Waa jiho abuuri karta kala qeybsanaan bulsho uu Ilaahay siiyay waxkasta oo bini’aadam ku midoobo, hadey tahay luuqad, diin, isir iyo wax walba oo bini’aadam ku midoobi lahaayeen, haddana waxaa muuqaneysa in 30 sano bulshadaas isku keeni la’nahay oo ay kala fog tahay.”

Dhawaan ayey aheyd markii agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali uu warbaahinta ka sheegay hadal ay si weyn uga caroodeen reer Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa markaas ilmo Itoobiyaan ah ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed, taas oo si weyn looga qeyliyay, maadaama ay tahay mid dhaawaceyso midnimada dalka.