Saciid Deni oo jawaab kasoo saaray go’aankii Isimada ee doorashooyinka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay xalay gaareen Isimadda Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ee ku aadan khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da xubnood. Hoos ka aqriso jawaabta Deni

WAR-SAXAAFADEED

Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada.

Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay’ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda.

PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.

Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.

Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah.

-DHAMMAAD-