Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo haatan khilaaf xooggan kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa dabacsanaan muujiyay, kadib khudbad uu maanta ka jeediyay Boosaaso, taas oo uu uga hadlay amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Saciid Deni oo tababar usoo xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan PMPF ee maamulkaas ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda qaybo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna sheegay inay soo afjarayaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in marka uu soo dhammaado howlgalka hadda ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ay bilaabi doonaan howlgal kale oo xoreyn ah, kaas oo lagu gaarayo aagga buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
“Howlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Howlgalka Onkod ee Calmadow” ayuu yiri Deni, oo tababar u xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan PMPF.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta, isaga oo xusay in Puntland marka ay kasoo dhamaato howlgallada ay hadda waddo inay gacan ka gaysaneyso arrinta Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamo usoo dirayaan koonfurta, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.
Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qayb ka taay Soomaaliya, isla markaana ay qaadan doonaan kaalinta kaga aadan amniga iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.
“Puntland markii ay howlgalada amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato, waayo Puntland waa qeyb ka mid ah Somalia”. ayuu mar kale yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatana dowladda dhexe ay waddo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda inta badan gobollada dalka.
Dagaalka ayaa haatan sii xoogeystay, kadib markii ay maleeshiyaadka Khawaarijta xoogga soo saareen gobollada Shabeellooyinka, iyaga oo a wareegay deegaannadii horay looga xoreeyay.
Soomaaliya, ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo adag, waxaana sidoo kale muran uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka oo si weyn la’isugu hayo.