Deni oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland ay lee yihiin xuquuq lamid ah bulshada deegaanka.

Deni ayaa si weyn u diiday in dadkaasi loogu yeero barakacayaal, wuxuuna tilmaamay in mar hore ay liiskaas ka saartay dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday  inuu xilal siyaasadeed u magacaabi doono shaqsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanada Puntland, si ay talada wax ugu yeeshaan.

“Anigu ma oranaayo dadka Koonfur Galbeed, waa dadka reer Puntland, kelmadda barakaca iyagaa ku celcelya annaga waa horaan ka saarnay, wixii ay ka helaan xilalka la dooranayo waa meesheeda laakiin waxaan balan qaadayaa dowladda inay wax ka heli doonaan doorashada markay dhammaato dadka la magacaabayo ayeyna qayb ka ahaan doonaan” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Horay ayay usoo socotay arrintan, waxaana jira qorshayaal soo socday oo ku aadan sidii ay xubno maamulka Puntland ugu yeelan lahaayeen dadka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaas oo ay ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan uyo guryo.

Waxaa kale oo jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda ku jira ururada siyaasadda ee Puntland, kwuaas oo rajo ka qaba doorashooyinka deegaanka ee ka dhacaya Puntland.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Saciid Deni waxa uu ka sheegay munaasabad qayb ka ahayd ololaha cod raadinta xisbigiisa ee doorashada golayaasha deegaanka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan qabsoomi doonta, kuwaas oo loogu jiro loolan aad u xoogan